“Itoobiya waa iska difaaceysaa cadowga gudaha iyo kan dibadda” Abiy Ahmed

Dagaalka gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa xoogeystay Arbacadii kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu tusmeeyey in dowladda ay soo afjareyso xabad-joojinta, ayna ciidamada Amxaarada sheegeen inay qaadayaan weerar ka dhan ah Tigray-ga.

Ciidammada Tigray-ga ee TPLF oo qabsaday inta badan dhulkii hore ay u lumiyeen, ayaa wacad ku maray inay dib u qabsan doonaan galbeedka Tigray, oo ah dhul beerashada ku wanaagsan oo ay haystaan ciidamada Amxaarada.

Afhayeen u hadlay maamulka gobolka Amxaarada ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay kicinayaan ciidammadooda si ay u qaadaan weerar ay kaga hortagayaan Tigray-ga.

“Maamulka gobolka wuxuu hadda ka baxay difaaca, wuxuuna qaaday weerar,” ayuu yirdhi afhayeenka Amxaarada Gizachew Muluneh, oo la hadlay warbaahinta Amxaarada.

“Maleeshiyada Amxaarada iyo ciidamada gaarka ah waxay isku dayayeen inay is-difaacaan, hase yeeshee hadda dulqaadka waa naga dhammaaday, waxaana billownay weerar,” ayuu yidhi.

Sidoo kale, Dhaqaaqa Qaranka Amxaarada, oo ah xisbi siyaasadeed weyn, ayaa ugu baaqay maleeshiyada gobolka ee loo yaqaan Fano inay is-abaabulaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker