Daawo:-Maayar Soltelko Muxuu Ka Yidhi Baadhitaanka Lagu Hayo Dawladda Hoose Iyo Waxa Ka Jira In Lakala Dirayo.

Hargaysa-(OWN)-Masuuliyiin ka socda Hanti-dhawrka guud ee Qaranka Somaliland ayaa galinkii dambe ee Shalay qufullo ku jabiyay xafiisyo ka mid ah kuwa Dawladda Hoose ee Hargeysa waxaanay ku dhejiyeen waraaqo ay ku qoran tahay ‘lama furi karo Hanti-dhawrka la’aantii’ iyaga oo sheegay in ay baadhitaan ku samaynayaan.

Maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa sheegay in ay baadhistani caadi tahay oo aanay wax dhib ah u arag “Dee waxa weeye hanti dhawrku shaqadiisii caadiga ahaa ayuu wata, sanad kasta mar ayuu na baadha, baadhitaankii caadiga ahaa iyo saxaafadda oo meesha ku kulmay ayuun bay ahayd wax dhibaato ah oo kale oo jiraana ma jiraan ee baadhitaankii sanad laha ahaa ee Hanti-dhawrka Qaranka ayuun bay ahayd,” Sidaas ayuu yidhi Maayar Soltelco.

Geesta kale waxa uu maayarku sheegay in Golaha Guurtidu sharci u leeyihiin in ay muddada u kordhiyaan golaha wakiillada laakiin, waxa laga yeelayo goleyaasha degaanku ay noqon doonaan wixii sharcigu yahay.

Bulshada Somaliland oo baadhitaanka Dawladda Hoose ee kaga dareen celiyay baraha bulshada ayaa si weyn u soo dhaweeyay in la baadho iyaga oo musuqmaasuq baahsan ku tuhunsan. Waxa kale oo bulshadu u sacab tumaysa in la kala diro goleyaasha degaanka marka la eego dareenkooda baraha bulshada.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker