Puntland Oo Shuruudo Adag Ku Xidhay Shirka Arrimaha Doorashada Soomaaliya
Maamulka Puntland ayaa shuruud adag hor dhigtay ka qayb-galka Shirka ku saabsan Arrimaha Doorashada Soomaaliya, oo la doonayo in Muqdisho lagu qabto.
War Qoraal ah oo Puntland soo saartay ayay ku dalbatay in la fuliyo Shuruudo dhawr ah, ka hor intaan la isu’gu iman wada-hadal dambe oo ku saabsan Arrimaha Doorashada Soomaaliya.