Lionel Messi Oo Ganaax Dusha Laga Saaray, Imisa Kulan Ayaa Lagu Ganaaxay.

Xidhiidhka La Liga ayaa si Rasmi u soo saaray ciqaabta xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi kadib markii kaadhka cas ee tooska ah loo taagay kulankii Athletic Bilbao.

Lionel Messi ayaa kaadhka cas ee tooska ah loo taagay kulankii ay kooxdiisu guuldarada kala kulantay Athletic Bilbao Finla-ka tartanka Spanish Super Cup.

Xidhiidhka La Liga ayaa haatan si Rasmi warbixin u soo saaray iyaga oo Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi dusha ka saaray ganaax 2 kulan ah.

Sidaas darteed Lionel Messi ayaa ganaax ku seegi doona kulanka Copa Del Rey-ga ee ay Barcelona la ciyaari doonto kooxda Cormella iyo Kulanka La Liga ee ay la ciyaari doonto kooxda Elche.

https://www.youtube.com/watch?v=OoCdGvWF-nA

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker