Hambalyada Qabyaaladeysan!
Hambalyada Qabyaladeysan : ay Da,yarta JSL iyo kuwa da,ada ahiba dirayaan waxa ka wanaagsa idinka oo kuwa dalka leh ee Xilaalka loo Magaacabo hambalyadda u dir, iska dhaafa ta Awr-kiraalaha ehelnimad ugu diraysaan ama isku degaanka tihiin.
Ummaddaha qadiyadda iyo qiyaam ka lihi , ma ah kuwo maalinba qof, awr-kiraale iyo tiro buuxiye ah ay ogyihiin hambalyo u dira ama amaanna.
Tusaale ahaan aan u soo qaato Eritrea iyo South Sudan waa kuwa inoo dhow ma dhici karto qof Eritrean ahi inuu mid kale Eritrea ah oo Itoobiya xil- wasiir ama masab kale ka qabatay u muraaqoodo ma ah manna dhacado in gudaha Eritrea taa lagga sameeyo waayo qadiyada dalkood iyo sharafka Ummadnomo ayey ilaalinayaan isla markaan dheg xumadda ka ilaaliyaan kanna edition wax walb oo liidnimo u horseedi karra.
Sidda oo kale ma jirto iyaddanna South Sudan hambalyo daaye inay xagooda eegaan arimaha suudan iyadda oo boqolal kun oo south Sudan ahi gudaha Sudaan ku nool yihiin. Ku darso mar labbad na dal labaduba waa ay kala faataxeysteen dallaka Sudan iyo Itoobiya ay hore iga mid ahaan jireen . Waxa aan u soo qaatay arinka isagga ah waxan caaw a aad u arkay iyo sanadahan danbe soo xoogaysnaya da,yarta iyo kuwo da,aa jira ee arimaha marka Wasiiro soomaliya la magaacob kuwa tiro-buuxiyaasha aan ognahay waxay shaqadoodu tahay i u hambalyeyaan.
Hadda aan mar kale ku darso kuwa soomaliya ka soojeedda hambalyadda loo diri maayo ee waa qofka , loo igmaday siddi Dalkiis iyo ummadiisa u caayi laha ama meelaha Cawimadda soomaliya u doonto la odhan lahaa waa kuwan kuwa degaanad ka soo jeeda Jamhuuriyada Somaliland ee ha loogu soo daro caawimadooda dhinacayagan. Waxan u soo jeedinaya qof kasto hambalyadda qabyaladeed diraaya, waxa kagga mudan addigo hambalyadda u dira kuwa dalka leh, oo aad iska dhaafto ka aad qabyaladnimad ugu direyso Hambalyo ee ah qofka aad ka dhexe garato Golaha wasiiradda iyagga ah.
Sidda oo kale waxan aaminsanahay qofka aad halkaa aad ogtahay ku dhiiri-gelnayso inaadan wanaag la rabbin,e xumah la doonayso waayo meesha waxa looga magaacabay wax ka jira xaqiiqda waad la socota haddiiba aad garanayso inaad dirro hambalyo, inaad ka xumaado ayey aheyd halka aad hadda kubba farxayso. Waxa kaa aad iminka hambalayada u diraysa waxad aroorta arki isaggo buurigga dalkaag iyo dadka ku saydhinaayo oo “addigu ku jirto markaas ayaad odhan ileen nafteyda ayan khalada ka galay?!
(WQ: Abokor I. Mohamud)