Laba wajiileynta Somaliland ee hirgelinta heshiishyada khaatumo iyo dawlada Federaalka.
Heshiis sidiisaba wuxuu ku wanaagsan yahay in la tixgeliyo, la dhowro, la ixtiraamo lana hirgeliyo qodobada aasaaska u ah heshiis la wada gaadho.
ALLAH Quraanka waxa uu inoogu sheegay in aan fulino balanta. Sifada qofka muslimka ahi waxa ay tahay in uu ku adkaado ilaalinta balanta oo aan la dhayalsan.
Somaliland waxay ku celcelisaa in heshiiskii madaxweynaashii kala danbeeyey Somalia la galeen Somaliland uguna doorka roonaayeen heshiiskii hawada iyo kii mashaariicda hayadaha shisheeye ku caawiyaan Somaalida aan marnaba la fulin, la ixtiraamin lana hirgelin. Qudbadii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi kulankii ugu danbeeyey ee Jabuuti kaga garnaqsaday madal ay fadhiyeen madaxywenayaasha Djabouti ,Somalia, ra’iisal wasaaraha Ethiopia, safiirka Mareykanka iyo xubno ka socda urur goboleedka IGAD waxa khudbadiisa ku jirtey waydiin u dhigneyd sidan “ today, how can we proceed to this dialogue, if the previously signed agreements in London, Istanbul, and Djibouti were not implemented yet?” maanta sidee u sii wadi karnaa wadahadalkan, haddii heshiiyadii hore ee lagu kala saxeexday London, Istanbul, iyo Djiboute aan la hirgelin weli?.
Weydiintaa lafteeda waxa ay hortaala Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumadiisa, sidee walaalaheen Buuhoodle ugu qancin karnaa in Somaliland la wada leeyahay mar haddaan la hirgelin heshiiskii Khaatumo lala galey ee lixda qodob ahaa?
Sow laba wejiileyn munaafaqnimo noqon mayso in aynu Dawlada federaalkana kula doodno in aanay heshiisyadii ka dhabeyn Somaliland-na aanay fulin heshiiska ay la galeen Khaatumo.
Balanta sideedaba lama galo haddii aanad fulin Karin. Dawlada Somaliland waxaanu u soo jeedinaynaa in ay ka dhabeyso heshiiska ay Khaatumo la gashey hadduu mur ka qadhaadh yahay.
Abdirahman Maryacase
zuunaari@gmail.com