Hay’adda Lacagta Adduunka Ee IMF Oo Ansixiyay Dhaqaale Soomaaliya Lasiin Doono

Guddiga fulinta ee hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ansixiyay kaalmo dhaqaale oo dheeraad ah oo Soomaaliya la siin doono taas oo gaaraysa $1.5 milyan oo dollar Mareykanka ah, kaalmadan ayaa qayb ka ah barnaamijka deyn cafinta dalalka saboolka ah ee qaantu la degtay oo Soomaaliya kamid tahay.

Kaalmadan dhaqaale ayaa loo adeegsan doonaa sidii Soomaaliya uga soo bixi laheyd waajibaadka geedi socodka deyn cafinta oo u dhexeeyay IMF, Bankiga Adduunka iyo Soomaaliya.

25 Maarso 2021 ilaa 24 Maarso 2022 ayaa kaalmadan dhaqaale socon doontaa muddadaas ayaa Soomaaliya ku dabooli doontaa waajibaadka ka saaran barnaamijka deyn cafinta.

Sanad ayaa laga joogaa markii sidan oo kale guddigan fulinta ee IMF ay sheegeen in Soomaaliya gaadhay barta go’aan qaadashada barnaamijka deyn cafinta, kolkaas oo Soomaaliya la siiyay in muddo sadex sano ah ku dhameystirto guud ahaan geedi socodka deyn cafinta oo muddo soo socda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker