Hay’adda shaqaalaha Dawladda Ayaa 15 Wasaraaadood Ka Fulisay Tababar La Xidhiidha Siyaasadaha Maaraynta Hawl-Qabadka Iyo Qiimaynta Shaqaalaha Dawladda

Waaxda maaraynta hawl-qabadka iyo qiimaynta shaqaalaha ee hay’adda shaqaalaha dawladda,ayaa  todobaadkii u danbeeyay,waxay  tababaro khuseeya siyaasadaha iyo habraacyadda maaraynta hawl-qabadka iyo qiimaynta shaqaalaha dawladda ka fuliyeen Wasaaradaha Xukuumadda.

Wasaaradaha tababarka laga fuliyay ayaa waxa ka mid ah;

  • Wasaaradda Cadaaladda
  • Wasaaradda arrimaha Gudaha
  • Wasaaradda Gaashaandhiga
  • Wasaaradda Shaqo-galinta iyo arrimaha Bulshadda
  • Wasaaradda Kheyraadka Biyaha

Saraakiisha hay’adda  shaqaalaha ee tababarkan fulinayay ayaa waxa hogaaminayey Agaasimaha waaxda Maaraynta hawlqabadka iyo qiimaynta shaqaalaha dawladda, Saleebaan Maygaag Obsiiye iyo ku-xigeenka Waaxda maaraynta hawl-qabadka iyo qiimaynta shaqaalaha dawladda, Cali Maxamed Saalax.

   Qodobadda ugu muhiimsan ee tababarku koobsanayay ayaa waxa ka mid ahaa;

  1. In si qoto dheer loo derso siyaasadaha iyo habraacyadda maaraynta hawlqabadka iyo qiimaynta shaqaalaha dawladda.
  2. In laysla fahmo Agabka (Tools-ka) loo isticmaalayo qiimaynta shaqaalaha dawladda.
  3. In la dardargeliyo siyaasadaha isla-xisaabtanka shaqo ee shaqaalaha dawladda.
  4. In la soo saaro shaqaalaha ugu hawlqabadka wanaagsan iyo shaqaalaha u baahan kobcinta xirfadaha iyo aqoonta shaqaalaha dawladda.

Ugu danbeyn, hay’adda shaqaalaha dawladdu waxay diiradda saaraysaa fulinta habraacyadda maamulka shaqaalaha dawladda iyo hanaankii lagu gaadhi lahaa in shaqaalaha dawladdu noqdo shaqaale carbisan, hawlqabadka adeega ay bulshadda u hayaan la mahadiyo iyo in la helo shaqaale leh karti iyo anshax suuban oo ku dayasho mudan.


home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker