Diyaaradihii Ruushka Ee Taageerayey Khalifa Haftar Oo Ka Baxay Nawaaxiga Magaalada Tripoli

Diyaraadaha dagaalka Ruushka ayaa xulufadooda Libya waxay ka saareen magaalo ku taalla koonfurta Tripoli kadib markii ciidamada ay taageerayeen ee Jeneral Khalifa Haftar ay kasoo gurteen furumaha dagaalka ee caasimadda, waxaa sidaas sheegay duq magaalo.

Bixitaanka la weriyey ee diyaaradaha Ruusha ayaa dhabarjab kale ku ah Ciidamada Qaranka Libya (LNA) ee uu hoggaamiyo Khalifa Haftar iyo xuluafadiisa shisheeyaha.

Ciidamada Haftar, oo ay taageerayaan Ruushka, Masar iyo Imaaraadka Carabta, ayaa 13 bilood isku dayayey inay qabsadaan caasimadda Libya, hase yeeshee waxaa toddobaadyadii dhowaa ku dhacay guul-darrooyin is-xig-xigay oo ay kala kulmeen ciidamada Turkigu ay taageeraan ee dowladda Libya.

Saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey, ciidamada Haftar waxay ka baxeen goobo ku yaalla koonfurta Tripoli, taasi oo ay ku qeexeen axsaan bani’aadannimo. Ciidamada dowladda caalamku uu aqoonsan yahay ayaa qabsaday qaar ka mid ah goobahaas.

Libya ma lahayn maamul dowlad dhexe muddo sagaal sano ah, waxaana tan iyo 2014 ay u kala qeybsaneyd laba dowladood oo iska soo horjeeda oo ku kala sugan bariga iyo galbeedka dalka. Dagaalka ayaa isku beddelay mid mid qarsoon oo u dhaxeeya xulufo dibadeed oo kala taageeraya labada dowladood.

Diyaaradaha dagaalka Ruushka ee xulufada la ahaa Haftar iyo qalab culus ayaa ka baxay caasimadda waxayna degeen garoonka diyaaradaha Bani Walid, oo ah magaalo 150km u jirta bariga koonfureed ee Tripoli, sida uu sheegay Salem Alaywan oo ah duqa magaalada Bani Walid.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker