Maxaad Kala Socotaa Taariikhda Mulaxankii & Fannaankii Waynaa Axmed Nuur Jaangoo? Qalinkii Suxufi Sinyoore
Axmednuur Iidow Abtiile oo caan ku ahaa magaca Axmed Nuur Jaangow hooyadiina ahayd Maryan Beerrey Miidaan sannadkii 1950 ayuu ku dhashay magaalada Buulaburde ee gobolka Hiiraan halkaasi ayuuna waxbarashadii asaasiga ahayd ku qaatay .
Axmed Nuur oo la dhashay 7 qof oo gabdho iyowiilal isugu jira wuxuu ka mid noqday ciidamadii xerada difaaca cirka lamagalaay Beledweyne sannadkii 1967, halkaasi ayuuna ka bilaabay inuu barto tumista aaladda Kabanka oo uu markii dambe uu caan ku noqday .
Heesta Gorgor ee uu allifay Xasan Ganey ayuu Jaangow qaaday markii koowaad sannadkii 1968, sidoo kale 1971 ayuu Axmed Nuur Jaangow laxameeyey codkiisana ku qaaday heesta Daljir oo ahayd tii ay bulshada Soomaalidu ku baratay heesta waxa lahaa Abwaan Xasan Ganey.
Isaga oo weli ka tirsan kooxda xoogga dalka ee ciidanka ayuu hadana wuxuu laxameeyey riwaayado badan oo ay allifeen abwaanadii Waaberi . Riwaayaddii Dab Jacayl Kariwaa’ ayey ahayd riwaayddii koowaad ee Jaangow heesaheeda laxameeyo .
Laqanyo , weligeed adduunyada, Ambabaxaye socodkan, faraskaagii laga bedi , Shawahaadda iga daa iyo heesta “ naftaa kuu qushuucday”
Jaangow oo markii dambe ka mid noqday kooxdii ciidamada xoogga ee Horseed waxa uu laxameeyey heesaha ku jiray riwaayadaha kale ee uu allifay Abwaan Xasan Ganey sida , Jin Iyo Jacayl 1975,
oo uu qayb lahaa laxannada , Dumistii aqalkayga 1976 , Galbeed waa la xoreeyey oo ku beegnayd kala wareeggii sannadihii 1977 iyo 1978-kii iyo weliba Bidaar sibiqbay kugu gashaa oo uu heesaha qaarkood laxameeyey
Axmed Nuur Abtiile ayaa sidoo kale laxameeyey qaar ka mid ah riwaayadaha uu allifay Abwaan Maxamed Aadan Dacar sida , Bad Jacay badanaa !
, Biyo saratagay waa la sugayaa , Dirqi maaha jacaylku iyo weliba riwaayaddii Beeneey waa run. oo uu qayb lahaa heesaha ku jiray laxamadooda halka uu heesaha kalena uu laxameeyey Saalax Qaasim oo riwaayadda ku jiray .Riwaayadda Beeneey waa run markii hore waxa Aktar ka ahaa Xasan Aadan Samatar .
Axmed Nuur Jaangow sannadkii 1995 wuxuu ka mid ahaa koox fannaaniin ah oo uu dalka Jabuuti ku casuumay Madaxweynihii Jabuuti Xasan Guuleed Abtidoon.sannadkii 2004 dalka isku tagga Imaaraatka carabta ayey sidoo kale bandhig faneed ku dhigeen Axmed Nuur Jaangow ,
Xaliimo Khaliif Magool , C/laahi Xalweyste , markii uu Muqdisho ku soo laabtay ayuu asaasay koox faneed la magac baxday Horyaal Band dadka ku jiray waxa ka mid ahaa Abwaan Cabdi Muxumed Amiin , Maxamuud Goox Qarboosh, Sahra Ileeye Cabdi , Siciid Toom , Nadiifo Cali Kulane , Abuukar Sarkuus iyo Maxamuud Kaadheeri.
Axmed Nuur Iidow Abtiile 25-ka Bishii Maarso sannadkii 2008 ayuu ku geeriyooday Muqdisho , wuxuu ka geeriyooday Ubad ah oo ay kala dhaleen Sahra Ileye Cabdi oo iyaduna geeriyootay sanandkii 2013 iyo Sacaada Alaale oo hadda Jabuuti ku nool
Alle ha janneeyo Jaangow .