Dawlada Turkiga Oo Sii Daynaysa Maxaabiistii ay ka Qabatay Ururka Daacish+ Sawirada

Wasiirka arimaha gudaha Turkiga Suleyman Soylu oo ka hadlay arintan ayaa ku eedeyay wadamada reer galbeedka in ay doonayaan sameynta sharci cusub oo lagula macaamilayo kooxda Daacish.

Mr Soylu ayaa carabka ku adkeeyay in Turkiga uusan aqbali doonin siyaasada ah in dagaalamayaasha Daacish lagu hayo wadamada lagu qabtay.

Isaga oo Arintaas ka sii hadlayay ayaa wuxuu sheegay in Xabsiyada Turkiga ay ku xidhan yihiin ku dhowaad 1,200 oo maxaabiis ah oo ka tirsan daacish kuwaasi oo 287 ka mid ah lagu qabtay howlgalka uu turkiga ku qaaday waqooyiga Suuriya.

Mar uu soo hadal qaaday in maxaabiista qaarkood oo muwaadinimada laga laabtay ayaa waxuu tilmaamay in Turkiga aysan wax ka galin balse diyaarado ay dalalkooda ugu safrin doonaan.

Maxaabiista kale ee Daacish ee ka soo jeeda Suuriya ayaa iyagana waxaa la geyn doonaa deegaanada uu Turkiga qabsaday ee ku yaal dalka Suuriya.

            

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker