Dowladda Itoobiya oo wacad ku martay inay ka adkaaneyso TPLF

Dowladda Itoobiya ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto xoogaga fallaagada Tigreega, inkastoo ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee ah in xabbad joojin la sameeyo.

Warbixin lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay ku jirto dagaal ay ku badbaadinayso jiritaanka waddanka, isla markaana aysan ku joojin doonin dacaayad shisheeye.

Waddamada Afrika, Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa ku celceliyay baaqyada ku aaddan xabbad joojinta, iyo in wada-hadalal lagu soo afjarayo colaadda.

Waxaa Itoobiya booqasho ku jooga ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman, kaasoo ku dedaalaya in wadahadal lagu dhameeyo colaadda Itoobiya.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay dagaalka sii xoogeysanaya ee Itoobiya, ayna si dhaw indhaha ugu hayso xaaladda waddankaas.

Dhanka kale Xooggaga Tigray ee la dagaallamaya dowladda Itoobiya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin gelitaanka caasimadda Addis Ababa, walow aysan dooneyn inay xukunka la wareegaan.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, ayaa   sheegay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay inay ka hortagaan waxa uu ku tilmaamay xasuuqa ka dhanka ah shacabka Tigray ee uu ku eedeeyay ra’iisal wasaare Abiy Axmed.

“Dan gaar ah kama lihin in aan galno caasimadda si aan xukunka ula wareegno. Naguma jiro damac ah dhul ballaarsi. Ujeedka keliya ee aan leenahay ayaa ah in aan xaqiijino in Abiy uusan khatar ku sii ahaan shacabkeena. Haddii ujeedkaas aan ku gaari karno gelitaanka Addis Ababa, waan geli doonnaa,” ayuu yiri afhayeenka.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay qarka u saaran tahay guul buuxda oo ka dhan TPLF, balse xooggaga Tigray ayaa maalmihii dambe u muuqday kuwo ku gacan sarreeya dagaalka.

Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa sheegay in gelitaanka Addis Ababa ay meel adag gaarsiin doonto xaaladda bani’aaddannimo ee hadda ka taagan Itoobiya.

Tigray – qodobada saldhiga u ah qalalaasaha

Itoobiya waxay u qaybsan tahay 10 dowlad goboleed

Xiisadda udhaxeysa dowladda Federaalka iyo gobolka Tigreega ee ay hogaamiso kooxda TPLF ayaa bilaabatay kadib markii raiisul wasaare Abiy uu xukunka qabtay bishii April 2018.

TPLF oo mar awood badneed oo maamuli jirtay dowlada in kabadan 27 sannadood, waxaa booska ka saaray Abiy Axmed.

Saddexdii bishii Nofember 2020 ayay ciidamada amniga ee gobolka Tigray ay weerareen saldhigyada ciidammada qaranka ee Tigray

Mr Abiy wuxuu ku dhawaaqay khilaafka dabayaaqadii bishii Nofeembar, balse dagaalka wuxuu socday tan iyo markii la qabtay doorashooyinka qaran ee 21 Juun

Xoogaga kacdoonka ee daacada u ah Jabhadda Xoreynta Tigray (TPLF) ayaa qabsadeen magaalo-madaxda gobolka ee Mekelle

In ka badan 350,000 oo qof ayaa wajahaya xaalado macluul, iyadoo qiyaastii 5 milyan ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker