Madaxweynaha Dalka Maraykanka Oo La Diwaan-galiyay Tiradda Beenta Uu Sheegay Intii Uu Xilka Hayay

Washington:(OWN)-War-baahinta Dalka maraykan,ayaa soo bandhigtay dhacdooyin badan oo ay sheegeen inuu ka been-sheegay Madaxweynaha Dalkaasi Donald Trump iyo ballan-qaadyo ay ku tilmaameen inay noqdeen golle-kaga-kac.

Waxa la sheegay in xaqiijinta macluumaadkan loo adeegsaday qalab loo yaqaano FACK CHECKERS DATABASE,kaas oo loogu talo-galay inuu fallan-qeyn,ablo-abloyn iyo raadin ku sameeyo hadal kasta oo uu Madaxweynuuhu yidhi oo la-tumayo.

 War-bixinta,waxa lagu sheegay in Madaxweynuhu sheegay in ka dadan 12, 000 oo hadal oo been ah muddo 928 Maalmood ah oo uu Xafiiska joogay.

Arrimaha la tilmaamay inuu Madaxweynuuhu marin-habaaiyay,ayaa waxa ka mid ah; Arrimaha Soogalootiga,Darbiga uu doonayo inuu ka dhiso Xadka u dhexeeya dalalka Maraykanka iyo Miksiko.

190JEER ayuu Madaxweynuhu sheegay in Dhismaha Darbigaasi socdo,iyada oo aanay Mudanayaasha Kongarasku meel-marin Miisaaniyadda dhaqaalihii lagu dhisi lahaa.

Sidoo kale Boqolkii Toban hadaladaas Beenta waxa la sheegay inuu ku marin-habaabiyay baadhitaanaddii lagu waday faro-galintii la sheegay inuu Ruushku ku sameeyay Doorashaddii uu kusoo baxay ee sannadkii 2016-kii.

186 jeer oo ka mid ah Hadaladdaas war-baahinta Maraykanku ku tilmaamtay sheegashooyin aan run ahayn,ayaa uu Madaxweynuhu ka yidhi Dhaqaalaha Dalkaasi,kaa soo uu sheegay inuu marayo halkii ugu wanaagsanayd Taariikhda Maraykanka..

Waxaana la sheegayaa inuu dhaqaalaha guud ee dalkaasi uu hoos-u-socdo,iyada oo sababtana lagu sheegay dagaalo-ganacsi oo uu Madaxweynuhu ku lug yeeshay.

Guud ahaan,waxa war-bixinta lagu sheegay inuu Madaxweyne Trump Cel-celis ahaan maalintiiba sheegayay 13 Hadal oo been ah tan iyo markii uu Xafiiska la-wareegay.

HALKAN KA DAAWO WAR-BIXINTA 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker