XUMAANTA IYO QABYAALADDU KOR UMA SOCOTO EE HOOS BAY U SOO DAADEGTAA.

Markaan dhegeystay barnaamijkii kaga wada Hadlayey  qabyaaladda ee Hargeysa  ka dhacay ee aqoonyahanada  iyo madaxda lagu  soo casuumay  waxa  igu soo dhibcay maqaalkan anigoo  Berbera  jooga oo ah hoygii  waxgaradka iyo aqoon yahanka ugu qabyaaladda  yar marka  la cabiray  qabyaaladda gobolada reer SOMALILAND.

Horta  marka  ummad  laga  hadlayo  (factors) badanbaa laga  daraasad qaadan karaa,  ka ugu  xoogga  weyni  was AYADAHA  QURAANKA waayo  Allah  CID ka run  badan ma jirto. Allah wuxuu  yidhi  markuu  UMMAD  ka hadlayey arinta ku saabsan  waxa ummad  dhaqan dumiya oo qabyaaladoo  kale  ka mida. XUMMMAANTA UMMADEED KOR UMA SOCOTO  EE HOOS  BAY  U SOCOTAA,  WUXUU  UGA JEEDAA MARKII  AYADAHAA LA FASIRAY  IN XUMMAANTU  AANAY KA IMAN  XAGGA  SHACABKA OO AANAY  KOR U SOCONIN EE XUMMAANTA UMMAD DUMISAA  AY KOR  KA TIMAADO  KANA  SOO  BILAABANTO XUKAANTA UMMAD  U TALISA  OO HOOS UGU SOO  DEGTO  XAGGA  SHACABKA  UMMADNA  SIDAA  KU DUNTO.  MARKAA doodan  kale  way wacantay waana wacyi  gelin iyo  farafarayn iyo  dhaliil ku socota  xukaamta reer Somaliland  laakiin  joojin mayso waxaa  xukaamtu  ku dhaqmayso. Waxaa  arintaa ka hadlay Moxamed Xaashi  lsagoon la gabban  oo uu yidhi  MADAXDA  DAWLADDA  IYAGAA  CADDAALADDII  BAALMARSAN OO EEXASHADA AY UMMADDA  U KALA EEXANAYAAN ISTICMAALAYA HADDAY  SHAQO LOO TARTAMAYO IYO  HADDII  IMTIXAAN LA QAADAYO. WAXAANUU  RAACIYEY  IN IYAGOON WAXBA  HAYSAN XOOLO AH AY FOOQYO ISKA DHISTEEN MUDDO KOOBAN GUDAHOOD OO DAARAHAASI  KU MARKHAAATI YIHIIN  INAY UMMADDA  BOOBEEN, XAARAANA  QOTOMIYEEN  SUUQYADA  SOMALILAND.
MARKAA  XUKAAMTEENA KOLBA JOOGTAA  WAA INAY WAXAN BEDELAAN HADDII  KALE  AQALADII  KU DUMI LAHAA  BAY HABEEN IYO MAALIN  DHISAYAAN OO AY WELIBA KOR U DHEERAYNAYAAN.
Xukuumaddaa  qabyaaladda  wada buy is dultaagay MoxamedXaashi isbedelkuna  wuxuu ka imankaraa  xagga Xukuumadda oo  iyadu  way joojin  kartaa  qabyaaladda  wadan ka jirta  laakiin  shacabku  qabyaaladda  ma joojinkaro.
M Bashe

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker