Dawladda Iiraan oo sheegtray inay soo ridday diyaarad Mareykanku leeyahay
Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iraan ayaa maanta sheegay inay soo rideen diyaarad drone oo basaas ah oo Mareykanka uu leeyahay, taasi oo sida ay sheegeen kusoo xadgudubtay hawada dalkaas, meel ku dhow Marinka Hurmuz.
“Diyaaradda Loo adeegsado basaasidda ee RQ-4 Global Hawk ee Mareykanka ayaa waxaa lagu dhuftay gantaal markii ay kusoo xadgudubtay hawada Iraan oo ku dhaw biyaha gobolka Hormozgan” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay Ilaalada kacaanka.
Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in diyaaradda lasoo riday ay tahay nooca MQ-4C Triton, hase yeeshee ay ku duuleysay hawada caalamiga ee Marinka Hormuz.
Dhacdadan ayaa timid xilli uu aad usii kordhayo is-naceybka u dhaxeeya Mareykanka iyo Iraan kadib mowjado weeraro ah oo laba mar lagu qaaday maraakiib marayey biyaha gacanka.
Dowladda Mareykanka ayaa Iraan ku eedeysay inay ka dambeysay weeraradaas, waxayna soo bandhigteen sawirro ay sheegtay inay taas caddeyn u yihiin.
Tehrani waa ay beenisay inay wax lug ah ku lahayd weerarada, waxayna tusmeysay in laga yaabo in Washington ay ka dambeysay weerarada si ay qiil ugu raadsato weerar ay ku qaado Iran.