Taageerayaasha Real Madrid Oo Ku Faraxsan 0-0 Ay La Galeen Naadiga Atletico Madrid
- Real Madrid ayaa xalay bar-bardhac lasoo gashay kooxda ay magaalo wadaaga yihiin ee Atletico Madrid kulan xiiso badan oo ka qabsoomay gegida Wanda Metropolitano iyadoo ugu dambayn natiijo 0-0 ah min dhibic lagu wadaagay.Kulankaas ayaa marka laga yimaado inaysan saddexda dhibcood soo wada qaadan haddana ay xiddigaha Zinadine Zidane soo sameeyeen rekoodh ay niyad wanaag ugu abuuri karayaan jamaahiirta kooxdooda.
Rekoodhkaas oo ah mid aysan mudo afar sano ku dhawaad ah samayn Los Blancos ayaa ah inay kulankii saddexaad ee xidhiidh ah horyaalka La Liga ay shabaq nadiif ah ku baxeen.
Xogtan wanaagsan oo kale ayay ugu dambaysay Real wakhtigii uu hoggaanka u ahaa tababare Rafael Benitez iyaga oo wakhtigaas afar kulan oo xidhiidh ah shabaqa ilaashaday afartii kulan ee horyaalka ugu horreeyay xilli ciyaareedkaas.
Tan iyo wakhtigaas Real Madrid ayaan awoodayn inay wax ka badan laba kulan oo horyaalka ah shabaq nadiif ah si xidhiidh ah ugu baxdo walow ay samaynayeen in ka badan saddex kulan oo xidhiidh ah wakhtiyada qaar marka loogu xisaabiyo tartamada kale ee Champions League iyo Copa.
Wakhtigii Santiago Solari ayay ahayd markii ay 4-0 ku garaaceen Melilla ciyaar Copa Del Rey ahayd kulankii xigayna ay 2-0 kaga guuleysteen Real Valladolid horyaalka isla markaana ay midkii saddexaad Champions League 5-0 kaga adkaadeen Viktoria Plzen.