Wasaarada Maaliyada oo ku guuldareysatey in ay wax ka qabato hoos u dhaca dhaqaaale ee dalku ku sii socdo
Wasaarada maaliyadu waxay dalka u xilsaaran tahay in dhaqaalaha dalka kobciso, iyadoo isticmaalaysa khayraaadka dalku leeyahay, waxay dejisaa miisaaniyada dawlada iydoo ku salysa kharashaadka dawlada iyo qoondayn loo sameeyo xaga horumarka haday jirto,
Waxa kale oo ay dejisaa wasaaradu siyaasada lagu isticmaalayo miisaniyada dawlada xagga kharajka ama xagga dakhliga,
Yoolka la doonayey in wasaaradu higsato waxa uu ahaa inay dejiso oo Hirgeliso siyaasada dhaqaale si loo gaadho horumarinta dhaqaale iyo bulsho iyadoo la yareynayo faqriga korna loo qaadayo tayada heerka nolosha dadka,
Wasaarada maaliyadu way ka baaqsatey inay dejiso strategiyad lagu gaadhi karo horumarkaa dhaqaale ee kor aan ku soo xusay, masuuliyiinta wasaaradu waxay ku mashquuleen dakhlisoosaara oo ah wax technical ah, halkii laga filayay in ay ka fikiraan sidii dhaqaalaha dalka guud ahaan waxa looga qaban lahaa,
Wasaaradu si dhab ah umay darsin dhibaatada dhaqaale ee dalka ka taagan iyo sidiii looga saari lahaa, sababtuna waxay tahay iyadoo Masuuliyiinta wasaarada ugu sareeya aanay lahayn Aqoonta culuunta dhaqaalaha, balse ay Aqoontoodu ku egtahay cashuur ururin iyo dakhli urunita oo ah arimo technical ah,
Waxa wasaaradu ka baaqsatay in ay jeexdo siyaasada dhaqaale ee casriga ah (macroeconomic policy) taas oo wax ka tari lahayd ladagaalanka sicir bararka, shaqo abuurka si fakhriga loo yareeyo, iyo in la soo saaro dhakhli Qarameedka dalka (GDP) si loo ogaado korodhka dhaqaale ama hoos udhaca dhaqaale,
Waxa wasaaradu ka gaabisay in ay si xeel dheer u deristo sida uu yahay xidhiidhka ganacsi ee ka dhaxeeya dalka iyo wadamada jaarka aynu nahay, si wadamada qaarkood loogu dhiirigeliyo in badeecadaha dalka ay iibsadaan sida milixda iyo kaluunka si loo yareeyo lacagta Cadaanka ah ee dalka ka baxaysa.
Waxay wasaaradu ka gaabisay inay xidhiidh la yeelato hayadaha maaliyada caalimiga International financial institutions si ay u iibiso habka dhaqan- dhaqaale ee dalka ka jira, loona diirigeliyo maalgashiga caalamiga
Maamulka ugu sareeya ee wasaaradau sidii loo magacaabay hal mar ayuu booqday gobolka togdheer halka aanu ka tegin weli shanta gobol ee kale, iyadoo aad moodo inuu ku mashquulsan yahay dakhlimaalmeedka wasaarada
Ugu danbayn wasaarada Maaliyada waxa laga filayay in dhaqaalaha dalka ee daalaadhacaya hoosna u socda wax ka qabato iyadoo adeegsanaysa imkaaniyaadka jira, waxay taa bedelkeedka ku mashquulsan yihiin masuuliyiintii wasaaradu oo uu ugu horeeyo wasiirku in sidii ciyaaraha gobolada ay yidhaahdaan gobol hebel ayaa ka dakhli badan gobol hebel, taas oo fashilaad ku ah Waajibaadkii wasaarada laga sugayay, kana soo horjeeda hadalkii Madaxweynuhu ka jeediyey wasaarada maaliyada gudaheeda kaas oo daaranaa in wasaaradani u xilsaaran tahay wax ka qabashada dhibaatada dhaqaale ee dalka ka taagan, laga bilaabo heer qaran ilaa heer degmo, halka ay wasaaradu ku mashquulsan tahay arimahan technical ah ama farasamada ah ee ku saabsan cashuur ururinta iyo dakhli kordhinta, iyadoo Madaxweynuhu iftiimiyey in shaqda masuuliyiinta wasaarada u taala ay ka balaadhan tahay arimahaa farsamo,
Iswaydiintu waxay tahay Intee inleeg ayay wasaraada maaliyadu ku sii socon kartan ama ku sii jiri kartaa xaaladan fadhiidnimada ah.
Dr. Ali Hassan Hersi
Economist
ali.hassan.memo@gmail.com