MAYOR SOLTECO OO DHUL AGOONI LEEDAHAY U SHARCIYEEYAY LABADA MAYOR EE BERBERA IYO GABILEY.

Waa arin ugub ah in Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Soltelco oo Bilaabay Inuu Dhul u Boobo Maayarada Berbera iyo Gebilay. Waxaa bilaabamay abaalgud dhul oo maayaradii ugu tunka waynaa qaranka midba ka kale degmadiisa dhul ka siinayo. Galbeedka Hargeysa dhul dad shacab ah ay leeyihiin ayuu maayar soltelco abaalgud u siiyay Maayir Cidin iyo Maayir Maxamed Aamin oo dhismahii seeskana la bilaabay  police na lagu xeeray ay ka mid yihiin ilaalada Solteco taas oo waqti hore ay iyagu Dhul ka siiyeen Magaalooyinka ay masuulka ka yihiin, ka dibna ay noqotay in isaguna uu dhul uga boobo shacabka reer Hargeisa taasoo maalin jimce maayirku dhisme xad ku sameeyay Beerta Agoonta Ilma Barre xaaji faarax oo ku taala agaagarka kaantaroolka galbeed ee Hargeisa isagoo adeegsanayaa laamihii Amaanka Qaranka iyo Niman tuuga oo wada shaqaysta oo saldhigyada iyo Maxakamadaha ka caana ah, dhulkaas oo xayirnaa oo dacwad ka socotay hada ka horna laba jeer oo hore dil ka dhacay  iyadoo masuuliyad darada maayirkana ay ahayd imikana tii oo kale taagan tahay oo  dadkii beerta lahaa iyo Ciidamadii amniga oo maayirku sifo sharci darro ah ku adeegsanayo ay hub isla hor fadhiyaan, taasoo maayirku doonayo inuu dhul si sharci darro ah ugu dhiso maayirada Berbera iyo Gabiley oo uu iska dhisayo, lkn ay tahay arin ceeb ah oo sumcad dil ku ah labada maayor ee uu faylalka u sameeyay isagoo doonaya in dhulka oo seesan uu ku wareejiyo mulkiyada labada maayor.

Dhulkaas oo aan wax qorsha ah loo samaaynin kana jirto xaalad Amni darro wixii ka dhacana uu mayirku dusha u ridan doona, hadaba waxaan u soo jeedinaynaa xukuumada Soomaaliland gaar ahaan Wasaarada Arimaha Gudaha, Wasaarada Hawlaha guud iyo Gaarsoorka Dalka sida Maxkamadaha iyo Xeer-ilaalinta in Arintaas hoos loo eego si dhakhso ahna wax loo qabto.

Waa bilaahi tawfiiq

W/Q; Cabdiqani Ibraahin Axmed
Mid kamida qoyska Ilma Bare Xaaji Faarax. Oo ah qoyska leh dhulkan uu Solteco u seesayo mayarada dhigiisa ah.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker