Itoobiya oo ku dhawaaqday howgal milateri oo ka dhan ah OLA.

Dowladda Itoobiya ayaa bilaawday howlgal cusub oo dhanka ammaanka ah kadib dhacdo dhimasho iyo dhaawac sababtay oo ka dhacday Galbeedka Itoobiya.

Sabtidii, dadka deggan deegaanka Wellega ee magaalada Gimbi ee galbeedka Oromia ayaa la kulmay weerar aan loo meel dayin  Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, in ka badan 300 oo meyd ah ayaa ilaa hadda la soo saaray, waxaana Weerarkan lala beegsaday dad Rayid ah.

Dowladda federaalka Itoobiya iyo dowlad deegaanka Oromada, ayaa bayaankooda ku eedeeyay ciidanka Xoreynta Oromada (OLA) inay fuliyeen weerarka.  Kooxdan hubaysan ayaa sanado badan ka howlgalaysay gobolka Oromia.

Balse bayaan ay soo saartay, OLA waxay ku beenisay weerarka Waxayna ku eedaysay Gachana Sirna, oo ah maleeshiyo ay dawladdu taageerto, inay ka dambeeyeen dhacdadan naxdinta leh.

Maanta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in tallaabo laga qaaday dadkii ku lugta lahaa dhacdadii Wellega.  Waxay u muuqataa in dawladda Itoobiya ay go’aansatay in ay qaado hawlgal cusub oo milatari oo ka dhan ah OLA.

Bishii April ee sanadkan ayay ahayd markii ciidamada federaalka Itoobiya iyo kuwa dowlad goboleedyada ay qaadeen howlgal milateri oo ka dhan ah OLA.  Inkasta oo ay dawladdu sheeganayso guulo, OLA waxay sii wadaa Dagaalada ay kula jirto Ciidamada Dawlada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker