Madaxweyne Al Bashiir Oo La Xidhay, & Xaalka Wadanka Suudaan oo Wali Murugsan
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya arrinta ku aadan in madaxweyne Cumar Al Bashiir lagu xidhay xabsi ku yaalla dalkaasi.
ilo wareedyo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in Cumar Al Bashiir lagu xidhay xabsiga Kobar, waxaana si weyn loo adkeeyay amniga halkaasi xilli Al Bashiir kaligiis lagu xiray
xabsigaasi.
Madaxweynaha xukunka laga tuuray ayaa xabsi guri lagu hayay tan iyo markii militariga ay talada dalkaasi la wareegeen toddobaadkii lasoo dhaafay.