Dowladda Britian Oo War kasoo Saartay Nin Dalkaas U Dhashay Oo Lagu Xidhay Muqdisho
Dowladda Britian ayaa ka hadashay ninka British-ka ah ee ku xidhan magaalada Muqdisho, kaasi oo loo haysto eedeymo ku saabsan inuu walxo qarxa la kori lahaa diyaarad.
Xafiiska arrimaha dibedda UK, ayaa sheegay inay xidhiidh la leeyihiin Anthony Cox iyo dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay caawinayaan qoyskiisa. Hase yeeshee ma bixin faah-faahin intaas dheer.
Cox ayaa dhowaan ka badbaaday isku day dil oo ay la damacsanaayeen maxaabiis Daacish ah oo kula xidhan xabsiga dhexe, kuwaas oo sakiin ku weeraray.
Anthony Cox ayaa horey u ahaa askari, hase yeeshee waxa uu dhowaanahan ka shaqeynayey maareynta xasaradaha iyo uruurinta xogaha sirdoonka.
Shirkadda SKA oo uu shaqeynayey intii uu Soomaaliya joogay ayaa shaaca ka qaaday inuu shaqada ka tagay shanti Janaayo, laba toddobaad ka hor inta aan la xidhin.
Ninkan oo sidoo kale ku hadlay luuqadda Faransiiska, ayaa muddo 16 sano ah ku noolaa dalka France, isaga iyo xaaskiisa Amanda.
Waxa uu bogiisa Linkedin ku sheegay inuu kasoo shaqeeyay Koonfur America, Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, Bariga Yurub iyo Koonfur Bari Asia.
Inta uu Muqdisho joogay ayaa la sheegay inuu ka shaqeynayey arrimaha amniga iyo uruurinta xogaha sirdoonka.