Toos Udaawo:- Qaraxyada Iyo Weerarada Nairobi Shabaabka Oo Xidhan Jaakado Aanay Xabaddu Larin Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey.
Nairobi-(OWN)-Xog cusub ayaa kasoo baxaysa weerarka ka socda hotel-ka Dusit ee ku yaalla magaalada Nairobi, halkaasi oo ay ku jiraan dagaal-yahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Halkan Hoose Toos Uga Daawo Weerarka Socda
https://www.youtube.com/watch?v=aFk1uEpzveU
Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ugu yaraan afar nin oo hubeysan ay galeen hotelka. Waxa ay sidoo kale xaqiijiyeen in dagaal-yahannada ay xidhan yihiin jaakadaha xabadda aysan karin, taasi oo adkeyn doonta in si sahal ah looga adkaado.
“Dad badan ayay gudaha ku haystaan, waxaana sugaynaa inaan helno taageero dheeri ah, si aan u galno hotelka” ayuu yidhi sarkaal boolis oo warbaahinta la hadlay.
Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in la xaqiijiyey ugu yaraan shan qof, islamarkaana uu jiro dhaawac badan.
Al-Shabaab waxay sheegtay in weerarka lagu daah furay qarax xooggan kadibna waxaa xigay rag hubeysan oo galay gudaha Hotelka bartilmaameedka ah, oo lagu magacaabo Dusit.
“Ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta ayaa howlgal ka wada magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, wararka hordhaca ah ee aan helaynno waxay xaqiijinayaan in ciidamada mujaahidiintu gudaha hadafkii ay beegsanayeen u daateen” ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay Al-Shabaab.