Dawladda Soomaaliya Oo Cabasho Ku Aadan Saldhiga Imaaraadka Ee Berbera U Gudbinaysa Qaramada Midoobey

Warbixintii guddiga kormeerka Cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa ku sheegay sanadkan in Dowlada Imaaraadka kamid tahay kuwa jabiyey cunaqabateyntan saaran Wadanka Soomaaliya.

 

Saldhiga Imaaraadka doonayo inuu ka dhiso Madaarka Berbera oo ay xukuumada Somaliland ku wareejisay ayaa ah mid jabinaya Qaraarkii Golaha Amaanka sida lagu sheegay warbixinta loo gudbiyey Qaramada Midoobay.

 

Qoraalka Warbixintan oo weli si dhameystiran loo shaacin ayaa lagu wadaa inuu ka doodo Golaha Amaanka oo ay horey u hortaalay Dacwad ka timid dowlada Federaalka Soomaaliya oo horey u cambaareysay saldhiga imaaraatiga ka dhisayo Berbera.

 

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xili Raysalwasaaraha Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu safar ku tagay dalka Sacuudiga oo xulafo la ah Imaaraatiga, Sacuudiga ayaa la sheegay inuu doonayo inuu dhex dhexaadiyo dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Abu Dhabi.

 

Xogta Guddiga Qaramada Midoobay ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay ganacsiga dhuxusha oo la sheegay in weli uu sii socdo, iyadoo la xaqiijiyey in doonyo sida dhuxusha dhirta laga jaro Soomaaliya la geeyey dalka Iran kadibna loo sii gudbiyey Dubai, ganacsigaasi oo sidoo kale la sheegay in Imaaraatiga iyo Iran ku lugleeyihiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker