“Waanu Ognahay Waxaad Xamar Kasoo Dhacdaan Inaad Hargeysa Ku Dhistaan “

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mudane Saleebaan Cali Koore ayaa eedihii ugu cuslaa iyo hanjabaad ku ganay Wasiirka Maaaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Raysal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed isagoo ku eedeeyay inay ka dambeeyaan dhalinyarta Gobolka Awdal ee calanka Soomaaliya ku labistay ee Xabsiyada lagu guray.

Wasiir Koore ayaa ugu hanjabay in haddii ay ka waantoobi waayaan falalka ay Somaliland ka fulinayaan iyo dhalinyarta ay jahawareerinayaan inay la socdaan hantida ay ku leeyihiin masuuliyiintani Hargeysa oo uu sheegay inay ka dhisteen waxa uu ugu yeedhay lacagta xaaraanta ah ee ay shacabka reer Muqdisho ka soo dhaceen, waxa uu sidoo kale ku waaniyay inay yaraystaan cadaawadda ay ka galayaan Shacabka Somaliland isagoo sheegay inay dhici karto innay dhawaan Warqad cafis ah soo dalbadaan sida raggii ka horeeyay.

Wasiirka oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan ka hadlayaa dhalinyarada marada shiidka ah loo soo galinayo ee aan ka badnayn shakhsiyaadka, siiba Gobolka Sool iyo Gobolka Boorama, oo guryo hoostood loogu xidhayo Maryo shiid ah waliba gabdho dhalinyaro ah, oo aan xog ogaal badan u ahayn, iyagana waxaan kula talinayaa, waalidiintooda iyo iyaguba inay ka waantoobaan, dhalinyaradayada waanu rabnaa, waanu jecelnahay, waa dad wax bartay, inta badan ay ka muuqato tabac badani, ragbaa ku soo tabcay, qaranka ayaa ku soo tabcay, waxaani waxa ay ka yimaadeen talo iyo dhidid, aayar iskama iman”.

Waxa kale oo uu yidhi “Rag iyo shakhsiyaad kooban ayay fariintu uga timaad oo Xamar joogga, kaw waxaa ka ah, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ee la yidhaado Bayle ee halkan Guryaha ugu badan ee ugu dhaadheer ee ugu muraayadaha badan leh ee Hargeysa laamayadeedda ka dhistay, shilimada uu kasoo qaado Xamar ayaa qayb ka ah. Waxa isaguna qayb ka ah ninka Raysal wasaare ku xigeenka sheegta, ee shalay na agjoogay ee naga ag shaqaynayay, Baritana isagoo waraaq soo qoran doono la arke, iyagana waxaan leeyahay kolay inaad waraaq soo qorotaan ayaad ku dambayn doontaan eh cadaawadda aad jamhuuriyadda Somaliland ka galaysaan waa mid idiin qornaan doonta, oo umadda Reer Somaliland idiin xusuusnaan doonto, waliba labadaasi shaqsi ayaa qayb ka ah,waanu ognahay waxaad xamar kasoo dhacdaan inaad Hargeysa ku dhistaan, guryihiinna iyo hantidiinuba waa tirsan tahay”

Sidoo kale waxa uu yidhi “Umadda Reer Somaliland-na xog ogaal dhab ah haka noqoto arimahan, umadda Somaliland waxaan qofkasta leeyahay, difaaca Qaranka, Jiritaanka, wada noolaanshaha, nabadgalyada, wada jirka masuul ayuu qofkastaa ka yahay”. Ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker