Diyaarad hub sidday oo ku burburtay Giriigga

Diyaarad xamuul ah oo sidday 11 tan oo hub ah ayaa ku burburtay waqooyiga dalka Giriigga, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Diyaaraddan ayaa la sheegay inay ku wajahneyd dalka Bangladesh, waxay kasoo dhaqaaqday dalka Serbia.

Dhammaan 8 qof oo saarnaa diyaaradda Antonov-12 ayaa ku dhintay shilka.

Goob joogayaal ayaa baahiyay muuqaal muujinayo diyaaradda uu dab qabsaday.

Duuliyihii diyaaradda ayaa codsaday in si deg deg ah uu diyaaradda ugu dejiyo garoonka Kavala kadib markii ay cilad ku timid matoorka diyaaradda balse taas ma dhicin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker