Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga wuxu hambalyo u dirayaa dhammaan Jaalliyadaha Somaliland
Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar) wuxu hambalyo u diraya bulshooyinka Qurbajoogga Jaalliyadaha Somaliland ee ku baahsan wadamada caalamka munaasibadda Ciidda Islaamka, Ciidda Carrafo awgeed.
“Waxa aan hambalyo u dirayaa guud ahaan umadda Somaliland, shacab iyo dawladba, iyo umadda Islaamkaba Munaasibadda Ciidda Islamka ee Ciidal-Odxa awgeed. Si gaar ah, waxa aan fursaddan uga faaiidaysanayaa inaan hambalyo kal iyo laab ah hawada u mariyo dhammaan Qurbajoogga Jaalliyadaha Somaliland ee ku nool wadamada kala duwan ee caalamka. Waxa aan Ilaahay ka rajaynayaa inuu caafimaad, camal suuban, nabadgelyo iyo horumar, bash bash iyo barwaaqo innagu wada gaadhsiiyo Ciidda Ciideeda. Farxad ku ciida meelkasta oo aad ka joogtaan dunida,” Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar), Guddoomiyaha Hay’adda Qurrbajoogga Somaliland.
KULLU CAAM WA ANTUM BI KHAYR
Hay’adda Qurbajoogga Somaliland
Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskashiga Caalamiga ah JSL
Jamhuuriyadda Somaliland
August 20, 2018