Waa kuma qofka baarlamaanka ahi

Erayga parliament asalkiisa hore waxa uu ka yimi qarnigii 11aad luqadda French oo markaa ahaa Parlement ama parler macnaha (To talk) in la hadlo oo la doodo marka ay joogto goobaha kooxaha doodaya ama sharci yaqaanada ay foodda is daraan wakhtigan Boqorka ayaa soo dhigi jiray arrinka laga doodayo.

Haddii aan dib ugu noqonno taariikhdii hore(CH) ciise hortii Boqorkii xukumi jiray Mesopatamia (Iraq) iyo Babylon oo la odhan jiray Xamuraabi  ninkaas oo ahaa nin sharciyo badan laga soo xigtay waxa uu jideeyay sharciga dilka in qofka qof dila loo dilo,waxa kaloo uu soo saaray sharciga danbi la’aanta ee la yidhaa (Innocent),halka dadku ay iska xidhnaan jireen muddo faro badan oo aan dhamad lahayn ayuu soo saary xeerka odhanaya ha lagu caddeeyo,ama albaabka ha ka baxo qofku.waxa kale oo soo saaray sharciga in magdhow la siiyo qofka danbi lagu waayo.Sharcigan waxa loo yaqaan (Hamurabi Cord).

Boqorkani wuxu sameeyay in hogaamiyaasha qabaailka iyo dadka Wax garadka ah inuu soo shiriyo si ay ugala taliyaan inuu weeraro magaalo (City State) ama kala taliyaan weerar kale oo ku soo maqan habka la isaga difaacayo,waayo xiiligan waxa jirtay magaalo qarameedyada (City State) xilligan oo la si muquunin jiray sida loo kala xoog badan yahay halkaas waxa ka bilaabmay Haykal Baarlamaan u eg.

Wakhtiyadii loo yaqaanay waayadii dhexe(Medievial) waxa ingriiska ku habsaday dagaallo sokeeye iyo kuwo dibadda lagaga soo duulo,sidaas darteed boqortooyadu waxa u baahatay inay isugu yeedho dadka talo qabeenka ah sida maal qabeenka ah baadariyada,wax garadka iyo mufakariinta, waxay noqdeen Gole talada dalka qayb ka ah oo soo saara sharciyada,waxa markaas  midoobay England iyo Scotland isla markaas waxa la kala qortay qarnigii 15th (Act Of Union) sidaas ayuu ku noqday oo lagu mideyay labadii baarlamaan ka dib waxa loo bixiyay Mother of Parliament ama hooyada baarlamanka Adduunka muddo ka dib waxa uu noqday Hay’ad ka madax bannaan xukuumadda oo loo yaqaan Sharci dejin (Legislative).

Wakhtigan casriga ah waxa baarlamanku yahay wakiilka dadka iyo xukuumadda u dhexeeya waxa uu ilaaliyaa nidaamka isku dheelitirka awoodaha Dowladda ee loo yaqaan (Check and palance) macnaha waa inaanu iman Horma dhaaf Golaha xukuumadda,Golaha baarlamanka iyo Maxkamadda dastuuriga ahi.

 

SHAQOOYINKA BAARLAMANKA

  • Inay matalaan oo wakiil u noqdaan dadkii soo doortay
  • sharci iyo xeer dejin ama sharci samayn
  • Inay ansixiyaan miisaaniydda dowladda isla markana baadhaan
  • Inay Suaalo waydiiyaan masuuliyiinta xukuumadda.
  • Ilaalinta daahfurnaanta hay’adaha dowladda iyo dabagalkooda
  • Waxay ilaaliyaan muwaadiniinta iyo xuquuqdooda asaasiga ah.
  • Waxay ansixiyaan bilasha ama mooshinada ka soo fula golaha fulinta,iyo xukuumadda hadba la soo dhiso.
  • Waxa kaloo ay wakiil ka yihiin xisbiyadii ay ka soo baxeen oo ay ilaaliyaan magacooda.
  • Waxay ansixiyaan ama laalaan heshiisyada ay dowladdu la soo gasho dowlado kale.
  • Baarlaamaanku waxay xidhiidh la yeeshaan Baarlamaanada kale ee dunida iyaga u sii dhex mari kara maslaxadda dalkooda.
  • Baarlamanku waxay leeyihiin guddiyo fir fircoon oo shaqooyinka qabatta sida Guddiga arrimaha dibadda,guddiga dhaqaalaha, guddiga Waxbarashada,Guddiga xisaabaadka dhamaan guddiyadani waxay awood u leeyihiin inay hubiyaan habsamida shaqooyinkaas isla markaana Suaalo waydiin karaan hayadahaas ay howshani khusayso.

 

WAA KUMA QOFKA BAARLAAMNKA AHI

  • Waa inuu yahay qof dhowrsoon oo lagu yaqaan akhlaaq wanaag
  • Waa inuu yahay qof codkar ah oo wax gudbin kara
  • Waa inuu yahay qof Cilmi baadhe ah oo fikir xeel dheer leh
  • Waa inuu yahay qof baadha oo soo diyaarin kara sharci
  • Waa inuu yahay qof ku xeel dheer wada hadashiinta iyo waan-waanta
  • Waa inuu yahay qof mashaakil xallin kara kuna xeel dheer xod xodashada.
  • Waa inuu yahay qof aqoon sharci oo xeel dheer leh
  • Waa inuu ahaadaa qof aqoon durugsan leh siina kordhiya aqoontiisa
  • Waa inuu ahaadaa qof ku sifoobay Runsheegnimo iyo dhiiranaan
  • Waa Inuu ahaadaa qof ka fayow balwadaha iyo maandooriyaha
  • Waa inuu ahaadaa qof aqoon u leh qaab dhismeedka bulshada ama qabiilooyinka.
  • Inuu yahay qof wax dhegeysan kara isla markaana doodiisa Sababayn kara.

Rashiid Odowaa

Rashidsalan1982@gmail.com

063-4101213

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker