Xuquuqda-jinsi-doonku (Feminism) waa dagaal ka dhan ah Islaamk

1: Gabadha ku qaadata wakhtigeeda barbaarinta ubadkeedu waa mid aan waxsoosaar lahayn, ta shaqdeedu tahay misko xayasiintuna waa is muujin qofeed.

 

2: Hoggaaminta ninku waa xadgudub aan sinnaba loo aqbali karin, halka ay tahay lamahuraan in ay adeegtadu u dhago-nuglaato madaxeeda shaqada si hawshu u sacoto.

 

3: Ninka guursada gabadh labaad waa Khaa’in, halka qofka saaxiibad samaystaa amaba gogoldhaaf la yimaaddaa yahay xor inta aanu cid kale waxyeellayn.

 

4: Xidhashada xijaabku waa dhiillo weyn, halka haweenka wadaaddada Kirsitaanka ah hab labbiskoodu yahay xaq ay leeyihiin, illayn waa astaantooda diineed e.

 

5: Gabadha oo saygeeda lagu diraa waa xorriyad.

 

6: Gabadhu ha hesho xaquuq waxbarasho iyo shaqo  laga hirgaliyo deegaan ka madhan rag waa xagjirnimo diineed oo mudan cambaarayn.

 

Halka muquuninta siyaasadeed ee abuurtay shaacsanaha “ adeegtooyinka addoomaha ah ee warshadaha” halkaas oo ay gabadhu ka shaqayso wakhti dheer iyada oo wax aan sidaa u sii ridnayn ka hesha ay tahay qaddiyad la qariyay oo la iska iloobayba.

 

7: Ninku in uu faro hablihiisa labbiska diintu fartay waa meel ka dhac ka dhan ah xorriyaddooda… Halka shaacsanaha tumashada toosan- oo ah in meelo loo asteeyo – iyo ta dadban- oo ah aflaam qaawanida lagu suuqgeeyo, ay tahay wax laga wada hadli karo.

 

8: Baaqa ah in aan laga tallaabin xayndaabka diineed, oo xeerarka Alle noqdaan dabar waa dib-u-dhac mudan in la dhalleeceeyo… Halka u hoggaansamidda fikradaha iyo dhaqannada soogolootiga ahi yihiin ilbaxnimo mudan bogaadin.

 

9: In ay gabadhu u hoggaansanto xeerarka Diinta Islaamka- marka ay tahay muslimad- xor bay u tahay sida ay ka yeelayso… Halka  u hoggaansamidda xeerarka dad sameega ah ee diinta khilaafsani yihiin waajib aan laga tallaabi karin si dadku u badbaadaan.

Xuquuqda-jinsi-doonku waa Diin kale oo leh marjaciyad baalmarsan Waxyiga;  Taas oo sharcigu fogeeyay.

 

Xuquuqda-jinsi-doonku waa aragti aan ku jaango’nayn uun xuquuq raadin, se waa halbeegga xumaanta iyo samaanta ee waafaqsan dhaqannada xunxun ee soogalootiga ah.

 

#Fitno_ayay_dhex_jibaaxayaan

 

#ألا_في_الفتنة_سقطوا

 

 

 

Turjumaad

 

WQ: Dr Saami Al-Caamiri

WT: Xamse Maxamed Muuse

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker