Soomaaliya oo laga mamnuucay xirashada maaskarada iyo koofiyadaha

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka mamnuucay xirashada maaskaraha wajiga lagu xidho, sababo amni awgeed.

Afhayeenka Maamulka Muqdisho Saalax Dheere, ayaa sheegay in xirashada wajiyada ay yihiin kuwo lagu qariyo aqoonsiga, laguna fududeeyo falalka dambiyada.

Maaskarada ayaa si weyn loo isticmaalay intii lagu jiray masiibada Covid-19.

Maamulka ayaa sidoo kale mamnuucay xirashada koofiyadaha iyo ku qaadashada hubka ee gaadiidka dadweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, koofiyadaha sunnada ah ee dhaqanka ah ee ay xirtaan odayaasha ayaa ka reeban xayiraadda.

Go’aankan ayaa lagu gaaray shirkii amniga ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo uu shir guddoominayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya ayaa muddo sanado ah waxaa ka dhacayay falal amni darro, iyadoo khataraha ugu badan ay ka imaanayeen kooxda Al-Shabaab.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa kordhisay weerarrada ay ku muujineyso dib u soo kabashada tan iyo markii dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay billowday duullaanka ka dhanka ah kooxdan bishii Agoosto 2022-ka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker