Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Midowga Yurub

Hoggaanka Xisbiga haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa kulan la qaatay wefti ay hoggaaminayso Safiirka Midowga Yurub Ms. Tiina Intelmann oo socdaal shaqo ku yimi Somaliland.
Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo siyaasiga Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan Guddiga Fulinta Xisbiga, ayaa kulan ka dhacay huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa caawa la yeeshay Safiirka Midowga Yurub Ms. Tiina Intelmann oo dhankeeda ay wehelinaysay Madaxa Barmaamijka Dimuqraadiyadda ee EU-da Maria Groenaveld.
Kulanka ayaa qodobada ugu muhiimsan ee laga wadahadlay waxa mid ahaa; guud ahaan nabadgalyada mandaqada iyo doorka Somaliland ku leedahay, arrimaha doorashooyinka ku soo wajahan Somaliland ee ay ka mid tahay ta Madaxtooyadu, xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Midowga Yurub iyo heerka taageero ee Somaliland ay ka hesho oo si gaar ah loo soo qaatay dhanka horumarka iyo ammaanka sida waxtarka Ciidammada Booliska iyo Ilaalada Xeebaha Somaliland ka helaan EU-da.
Guud ahaan arrimahaasi labada dhinac ka wada-xaajoodeen waxa laga gaadhay is-afgarad, iyadoo la isla gartay in la sii xoojiyo xidhiidhka iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa dawladda Somaliland iyo Ururka Midowga Yurub.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker