Haweenka oo Waraaq Furan u Diray Madaxweynaha Somaliland

Annaga oo ah haween kala duwan oo ku kala sugan gobollada Somaliland, waxaanu si weyn uga xunnahay in gebi ahaan, haweenka laga fogeeyey talada dalka, ha ahaato kuraasta la magcaabo ama kuwa la soo doorto. Somaliland waxay leedahay in ka badan 613 xil oo sar-sare, kuwaas oo la magcaabo ama la soo doorto, waxaa nasiib darro ah in haweenku ay xilalkaas ku leeyihiin oo keliya 2.6% halka 97.4% ay yihiin rag.

Waxaa nasiib darro ah in 214 jeer oo madaxweynuhu magcaabis ama isku bedel sameeyey labadii sano ee ugu dambeeyey in haweenka Somaliland laga magcaabay 13 haween ah, haatanse waxaa xafiisyada jooga oo keliya 11 haween ah (mid ka mida way is casishay halka masuulka kalena xilka laga qaaday).

Haweenka Somaliland oo tixraacaya ballanqaadkii madaxweynaha ee December 2018 ee ahaa inuu hoos u eegayo tabashadii haweenka iyo ballanqaadkii Xisbiga Kulmiye uu saxeexay sannadkii 2015 ee ahaa inay haweenka 30% ka siin doonaan talada Xisbiga iyo hoggaaminta dalkaba, waxaanu markale codsanaynaa in hoos loo eego tabashada haweenka Somaliland.

Guddi isxilqaantay oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee haweenka Somaliland ayaa kulamo la yeeshay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Hinda Jaamac Xirsi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda, annaga oo la wadaagnay tabashada ay haweenku qabaan, isla markaana ka codsanay inay fariintayada gaadhsiiyaan madaxweynaha.

Haddaba waxaanu jecelahay inaan madaxweynaha u dirno waraaq furan oo aan kula wadaagayno dareenka ay qabaan haweenka Somaliland ee ku aaddan inay ka maqan yihiin taladii dalka, annaga oo ka codsanayna madaxweynaha inuu tixgelin siiyo tabshadayada, waxaanuna ku go’aan qaadan doonaa hadba falcelinta aannu ka helno madaxweynaha qaranka Muuse Biixi Cabdi.

Allaa Mahad Leh.

 

Haweenka Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker