Dalxiis maanso by Hamse riiraash

Maansadan waaa maanso dalxiis, la dhaho waxay ka hadlaysaa gobolada dalka 2017kii tirayay dhugasho wacanjamhuuriyada somaliland .
Marka aad dalxiistoo ,
Dalkaaga oo dhan ,
Dagal Dagal u qaybtaa ,
Dad aad wax dheertahee
Indhihii dugooboow
Gabiiley ma daawatay?
Berbera ma daydoo
MA dabaalatay Wali?
Adigoonba diif arag ,
Sanaag dacaladeediyo ,
Dhulkii dihaysanaa,
Doogii dhex jiifay
Dhowr duhur ma joogsatay?
Dhulkii darwiishkee
Gummaystaha la diriyay
Masoo wada dawaaftoo
Taleex maku danbaysay?
Dabadeedna burca iyo
Daggelkii Sugaantee
Daganaa hadraawi
Makusoo danbaysoo
Dila aaggageegaas
Boorama docdeedaas
Darafyadeeda oo idil
MA daalactay saylac?
Dhulkeeni waa dahab ,
Dunjiga ku noolina ,
Waa dub wanaagee,
Daainoow ha baylihin .
Hamse riiraash

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker