Daawo: Falan-qaynta Ciyaaraha Maanta :Real Madrid vs Celta Vigo – Los Blancos Oo Raadineysa Guushii Lixaad

Real Madrid ayaa isha ku Heysa iney gaadho Guushii lixaad oo Xidhiidh ah,  kulamada Horyaalka La Liga marka ay caawa soo dhaweyneyso kooxda Celta Vigo, sidoo kalana waxey doonysaa iney mar kale kali ku Noqoto Hogaanka Horyaalka Dalkaasi.

 

 

Barcelona ayaa si Dirqi ah kaga badisay kooxda Getafe kulan shalay ka dhacay  Garoonka Camp Nou, sidaas darteed labada Kooxood ee ugu sarreeya horyaalka waxey leeyahiin min 52-dhibcod, balse Los Blancos waxey gacanta ku heysataa kulanka caawa.

 

 

Celta Vigo waxey u baahan tahay iney dagaal badan gasho maadaama ay sanadkaan aad u liidato, waxey ku sugan tahy kaalinta 18-aad iyadoo leh 20-dhibcood, waana ku qasab iney tallaabo qaado.

 

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Real Madrid vs Celta Vigo

Tartanka: La Liga

Garoonka: Santiago Bernabeu

Saacadda: 11:00 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Javier Alberola Rojas (Spain)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Marco Asensio ayaa bilaabay inuu kubadda ku tababarto, wuxuuna wali kasoo kabanayaa dhaawacii kasoo gaaray jilibka, balse Eden Hazard wuxuu u muuqdaa mid mar kale garoonka soo gali kara caawa.

 

Gareth Bale waa diyaar walow ay dhibaato kasoo gaartay ciyaartii Osasuna, Vazquez ayaa sidoo kale diyaar ah oo wacdaro dhigay ciyaartaas.

Hugo Mallo oo ka tirsan Celta Vigo ayaa ganaax ku seegaya kulankaan kadib markii uu jaale qaatay ciyaartii Sevilla, halka David Junca iyo Claudio Baeuvue ay dhaawacyo ku seegi karaan.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Real Madrid:

Courtois; Carvajal, Varane, Ramos, Mendy; Kroos, Casemiro, Valverde; Isco, Benzema, L Vazquez

 

 

FALAN-QAYNTAAS CIYAARAHA OO DHAMAYSTIRAN HALKAN HOOSE KA DAAWO:

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker