Ra’iisul Wasaaraha waddanka Ciraaq Oo Ka Badbaaday iskuday Dil Lala Beegsaday

Ra’iisul Wasaaraha waddanka Ciraaq Mustafa al-Kadhimi ayaa sheegay in isagoon wax dhibaata ah soo gaadhin uu ka badbaaday weerrar lagu soo qaaday gurigiisa ku yaal magaalada Baqdaad ee caasimadda waddankaasi Ciraaq.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in hoyga ra’iisul wasaaraha oo ku yaal aagga Green Zone-ka loo yaqaan lagu soo weerraray diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ee drone-ka oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, arrintaas oo loo malaynayo inay tahay iskuday lagu khaarijin rabay.

Warar ay baahiyeen warbaahinta ayaa goor hore lagu sheegay in Mr al-Kadhimi loo qaaday isbitaalka.

Farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku baaqay in “la isdajiyo oo cidwalba la iska xakameeyo, iyadoo la eegayo danta dalka Ciraaq”.

Saraakiisha ayaa sheegay in lix qof oo ka tirsan ciidammada ilaalada ee ra’iisul wasaaraha lagu dhaacaway weerrarkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker