Raiisul wasaare Khayre oo kulan muhiim ah la qaatay James Swan + Sawirada

Muqdisho (OWN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula qaatay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaalida  Mudane James Swan.

 

 

Kulanka oo Saacado badan qaatay ayaa labad Ma’sul waxa ay uga hadleen Arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan intiisa badan Diirada lagu saaray Arrimaha Doorashooyinka ee 2020/2021, si meesha looga saaro walaaca taagan.

 

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa u sheegay James Swan in xukuumaddiisu ka go’an tahay, sidii loo dardar galin howlaha doorashooyinka, si uusan u imaan dib u dhac.

Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe si weyn loogu dhaliilayey inay ka gaabisay dadaalladii looga baahnaa ee doorashooyinka soo socda 2020/2021.

 

Walaaca ugu badan ayaa wuxuu ka taagan yahay nooca doorasho ee la qabanayo, maadaama xisbiyada mucaaradka ay ku doodayaan inaan la qaban karindoorasho qof iyo cod ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker