Faallo:- ANIGA IYO CAASIMADA SHALAY IYO MAANTA. Qalinkii (EX:- Xildhibaan Ifraax Cali Kirix)

Nolosha ka eeg halka wacan, kuna cabir aqoontaada si cilmiyeysan. Deputy Mayor Cabdi Casiis
Sanado dhawr ah iyo guyaal tagay, oon ka maqnaa dalka walaw xaaladiisa isbadal kala socday baraha bulshada, waxaan ka soo baqoolay qaarada yurub oon daganaa.
Waxaan ka soo dagay dhabada diyaaraduhu ka hadaan ama soo cago dhigtaan ee CIGAAL INTERNATIONAL AIRPORT.
Jeeroon sanadihii badnaa een maqnaa aan iman jiray caasimada hargaysa, haddana DALTABYADU waxay ahayd mid igu beertay farxad iyo raynrayn.
Kadib waxaan u soo dhaqaaqay dhinacaa iyo magaalada. Anigu waxaan eegayaa oo ishaydu haysaa ma aha oo kaliya daaraha dhaadheer iyo suuqyada camiran iyo ganacsiga socda, balse waxaan il_gaara ku eegayaa waxyaabaha arrimaha bulshada Danta u ah ee lagu qiimeeyo intuu doono ha ahaadee.
Maadama aqoon durugsan aan u leeyahay cilmiga bulshada, siyaasad ahaana aanba Waxaan halacsaday arrimo badan oo intii aan maqnaa DAWLADA HOOSE xooga saartay.
Waxa ka mid ahaa 1 dareeqa habka casriga ah u dhisan ee ka soo daadaga madaarka
2 biraha dhaadheer ee ku hareer taxan dariiqaas oo ah kuwo habeenkii ifa, ama bixiya ileys quruxda iyo bilicda caasimada ku soo kordhiyay mudnaan wayn,waxna ka taraya amaanka iyo nabad galyada wadooyinka, walaw ay jiraan galdaloolo,Haddana waa hormarka la taaban karo.
Waxaan arkay in Dariiqan ama jidadkani yihiin qaar caasimada ku teedsan dadkuna u yaqaanaan WADADII ROOGA AHAYD.
Maruun laysma garab dago hormarka Aadmigu sameeyo Marba inbuu taagan yahay. Awood iyo itaal ahaan.
Waxaan soo dul maray bridge ka magaaladu caanka ku tahay ee mara dooxa dushiisa. Waxa aan ku arkay shayo aan cafimaad ahaan wacneyn, balse markii aan u kuur galay waxa la ii sheegay in shicibku xiliyada roobabka ay qashinka iyo xashiisha soo raaciyaan, dhawr jeerna waxaan arkay maamulka dawlada hoose oo ka digiya dhibaatada ay leedahay in Biyaha roobka la soo raaciyoo xashiish ama qashin.
Taasi waxay ku tusaysaa in dawlada hoose dadaalayso balse GACMO WADAJIR GUUDBEY WAX KU QABTAANE, hagrasho iyo moganaani halka shacabka ka imanayso.
Maadama aqoon durugsan u leeyahay arrimaha dawladaha hoose; oon Xildhibaan soo maray waxaan raadiyay maxaa isbadal dhacay ee dawlada hoose qabatay, anoo ka eegaaya shalay maxaa yaalay maantase maxay haysaa.
1 waxaan arkay in dawlada hoose keentay hanti qaaliya oo la iska dhaxli karo. Sida warshada jayga burburisa
2 qalab faro badan oo ah cagafyo iyo qalabka wadooyinka lagu hagaajiyo oo DAWLADA HOOSE iskeed u leedahay,balse shalayto Ayna jirin oo ay soo kiraysan jirtay
3 meelaha magaalada cidhifyadeeda ah waxa ka jiray qorshe la,aan oo waxaa ku arki jiray dhulka aan qorsheysney oo lagu qubo xashiishka Intaaba waa horimar shalay jirin maantase aad arki karto
Waxa aan la yaabaa dadka barbardhiga caasimado qarniyo badan jiray.
Haddaba wax qabadka dawladaha hoose lagama eego meel kaliya oo ku niyad jabinaysa balse ka eeg meelo badan oo ku dhiiri galinayaa masuuliyiinta Dawlada hoose inay dadaalkooda sii libin laabaan waayo waxaaso wax qabad ahi. Waa guulo la gaadhay oo ku yimid dadaal iyo firfircoonidii. Dhiiga cusub ama dhalinyarada daadihinaya maamulka dawlada hoose.
Wax kastaana waxa uu ku yimaada samir waqti iyo wixii wacan ku dhiiri galin, ma aha dhaliisha badani inay wax tarto markasta. Markaa halka fiican wax ka eega idinkoo cabiraya culayska iyo duruufaha jira.
Waa inaan ku hambalyeynaa wax qabadka dawlada hoose halka mar kasta aan dhaliil raadinayno,
Wax kastaana waxay leeyihiin bilaw iyo Dhamaad. Waxa ii muqata halka wacan een wadeecada lahayne aan ka eegay in halganka noloshu leeyahay caqabado badan balse lagaga bixi karo gar iyo u garaabiid.

EX:-  Xildhibaan Ifraax Cali Kirix

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker