Marwo Raaqiya Ismaaciil oo ah Gabadhii Somaliyeed oo Xijaaban oo Degmo ka mida London ka Noqotay Maayar

Rakhiya Ismaaciil waa gabadh Soomaali ah oo taariikh ka dhigtay wadanka UK kaddib markii bishii May ee sanadkan ay noqotay haweenaydii ugu horreysay ee Muslim ah ee xijaaban ee dalkaasi ka noqota duq degmo ama maayir.

Raakhiya ayaa loo doortay duqa degmada Islington ee waqooyiga magaalada London, iyadoo sheekaddeedu noqotay mid ka mid ah kuwa loogu hadal hayna badnaa todobaadyadii la soo dhaafay dhanka warbaahinta, baraha bulshada iyo dadka caadiga ah.

Sanadkii 1988-dii ayaa Raakhiya ku timid wadanka UK qoxootinnimo, waxaana xilligaas ay ku fakaraysay inay dib ugu laabato Soomaaliya, hase yeeshee dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa badalay jadwalkeedii, waxaana ay noqol cusub oo waxbarasho , qoys yagleel iyo hilwo siyaasadeed ka bilowday magaalada London, halkaas oo ay Jaamacad kaga baxday.

 

 

u dhalatay Hargeysa, ku kortay Imaaraadka, taariikh ku sameysay London.

Raakhiya Ismaaciil waxay ku dhalatay magaalada Hargeysa waxaase ay ku kortay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waa hooyo afar caruur ah oo da’doodu u dhaxeyso 18 illaa 21 jir, waxay horraantii sagaashameeyadii bilowday ka shaqeynta arrimaha bulshada gaar ahaan dhaqanka Soomaalida, waxbarashada, taageerada dhalinyarada iyo haweenka, iyadoo hawlahaas ku jirtay illaa ay ku biday laydha siyaasadda.

Raakhiya & Siyaasadda

Raakhiya
Rakhiya Ismaaciil, duqa degmada Islington ee UK

Raakhiya waxay siyaasadda dawladaha hoose ee UK soo gashay sanadkii 2012, xilligaas oo doorasho xisbigeeda Labour-ka gudihiisa iska dhex dooranayey xubin golaha deegaanka ee xaafadda Holloway ay hal cod kaga guuleystay 5 qof oo la tartamayey.Doorashooyinkii 2014 iyo 2018 ayay mar kale ku guuleystay xubin golaha deegaanka isla xaafadda Holloway ee degmada Islington oo ay ka dhisan tahay kooxda Arsenal oo ay Raakhiya taageerto.

Wareysi BBC-du kula yeelatay xafiiskeeda waxay Raakhiya ku sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay taariikh ka dhigto wadanka UK, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in guushaasi iyadoo xijaaban loo doortay ay meesha ka saarayso fikradaha Muslim iyo soo galootiga naceybka, isla markaana guusheedu ay aad ugu farxeen Muslimiinta Britain.

“Tan iyo markii aan siyaasadda ku soo biiray waxaan ugu jiray olole in bini’aaendamku si kasta oo uu u kala diin iyo midab duwan yahay uu isku mid yahay, ayna muhiim tahay in la isku qiimeeyo taas, waana tan keentay in dad badan oo kala duwan oo degmada ku nool iigu codeeyeen innaan heerkan soo gaaro” ayay tiri Raakhiya.

Sanadkii 2017 waxay aasaasay Raakhiya dhaqdhaqaaq la magac baxay ururka Islington Stand Up Racism, oo ka dhiidhiya ficiladda Islaam nacaybka , iyadoo kaalin weyn ka qaatay difaacida dadka laga tirade badan yahay.

Soomaalida iyo siyaasadda UK

Raakhiya
Rakhiya Ismaaciil, duqa degmada Islington ee UK oo xafiiskeeda fadhisa

“Inaan ahay haweenaydii ugu horreysay ee Soomaali ah, haddana Muslim ah ee Mayor ka noqota UK, waxay ii tahay farxad aad u weyn, waxaana Mahad iska leh ALLE oo ii suurtagaliyey, waxaan hubaa in Soomaali badan oo dalkan ku dhashay ama ku koray ay hadda fursadaas haystaan, waayo markii hore caqabado badan ayaa jiray, laakiin hadda fursaddo badan ayaa muuqda, waxaan kula talinayaa dadka Soomaaliyeed ee reer UK inay siyaasadda dhexgalaan oo ay ku biiraan xisbiyada, ayna xuquuqddooda raadsadaan, si aynu dadkeenna wax u tarno, waad u jeedaan caruur badan ayaa midni lagu dilayaa, kuwa badan ayaa xabsiyo ku jira, hooyooyin badan ayaa u baahan taageero, waxaan taas wax uga qaban karnaa anagoo isku duuban oo Soomaali ah” ayay hadalkeeda sii raacisay Raakhiya.

 

Maxaa ugu yaab badnaa?

Raakhiya mar ay ka hadlaysay waxyaabihii ugu yaabka badnaa markii loo doortay Duqa degmada Islington waxay sheegtay inay ahayd in dharkeeda gaarka ah ee Mayor-nimada muddo dheer laga shaqeynayey sida Koofida, maadaama ay xijaab xiran tahay oo masuuliyiintii ka horreeyayna aanay xirneyn, taasina ay keentay in koofiyad gaar ah lagu cabiro loona sameeyo, koofidaasi oo qaybo ka mid yihiin dahab.

“Waxaan ku faanayaa Soomaalinimadeyda iyo Islaamnimadeyda, anigoo xijaaban ayaana bulsho kala midan iyo diin ah ii doortan xilkan, taasi waxay ku tusaysaa in xijaabkaagu aanu aheyn wax kaa saaraya dadka, marka waa inaan isku kalsoonannaa oo aan dadkan wax la qaybsanna” ayay carabka ku adkeysay Raakhiya Ismaaciil.

Raakhiya waxay farta ku fiiqday inay tusaale u tahay sida loogu baahan yahay in dadka soo galootiga ah ee Soomaalidu ka mid tahay ay muhiim ugu tahay inay fariistaan miiska lagu go’aaminayo masiirkooda, balse aanay ka noqon marti oo aanay dadka kale u daba fariistaan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker