GOBLAN TALO ADUUNYOOW, MAXAAD GELINBA WAA-JOOGTAY, qormadii 5 aad.

Dhaawaca iyo burburka adduunyo ee shacabka gaadhay ka sokow, boqolaal kun oo  shacabkii magaalooyinkaas ku nollaa ah ayaa u qaxay dhanka Ethopia,  iyagoo magan-gelyo doon ah, waxaana gacan binu-aadanimo u fidiyay Xukuumaddii Ethopia iyo Hay’adaha qaramada Midoobay, oo halkaas uga sameeyay xeryo qaxooti oo ay ku daryeelaan, dareenka ay shacabkii kale ee Soomaaliyeed ka bixiyeen waxa halkaas ka dhacayna wuxuu ahaa mid aamusnaan ah, oo la mid ah kii shacabka Majeerteenka lagu qaabilay markii la xasuuqayay, balse, tani, waxay u ekayd,  Keligii Taliye shacabkii inba mar cunaya, inta kalena ku fiirsanayaan ilaa iyo inta ay iyaga kazoo gaadhayso, iyo jabhado kurisgu u hilaacayo, balse, aan dan ka lahayn qiimaha uu shacabka ugu kacayo.

Jabhaddii USC, ee General Caydiid hogaaminayay,  ayaa iyaduna dagaalo aanay shacabku mahadin, balse, jab ku ahaa Ciidamadi taabacsanaa General Barre ku eekaysiisay Goboladda dhexe, halka jabhaddii SPM ee Axmed Cumar Jees, madaxda ka ahaa ay weeraro ku dhufoo-ka-dhaqaaqa galaabixisay ciidamaddii General Barre kaga sugnaa Jubooyinka, tani, waxay abuurtay weeraro sadex-aabudh ah oo haleelay Ciidamadii keligii taliye Barre oo marba-marka ka danbaysa mooralkooda ciidan sii gudhayay. Dhinaca kale, habkan ku qotomay hawlgaladda dagaal ee sadex geesoodka ah ee SNM oo waqooyiga ah, USC oo goboladda dhexe ahayd, iyo SPM oo dhinaca koonfureed ahi, ayaa  bsalka ku hayay heshiiskii straatiijiga ahaa ee hogaamiyayaasha sadexda jabhadood ku kala saxeexdeen magaaladda Mustaxiil sanadkii 19990, dad badan ayaana qaba in heshiiskan iyo hawlagaldii sadex geesoodka ahaa ee la socdayba uu ahaa sababta ugu muhiimsan ee soo dedejisay dhicitaankii Keligii taliye Barre.

Dabeecdda iyo sitaarijiyada dagaal ee sadexdan jabhadood ee isbahaysiga galay way kala duwanayeen intooda bada, USC iyo SPM waxay hawlagaladooda dagaal kuma beegsanin magaalooyinkii waaweynaa ee goboladda dhexe iyo kuwa koonfureed ku yiilay, taasina, waxay yaraysay culayska khasaaraha dagaalka ee shacabka gaadhi lahaa, halka Jabhadda SNM ay abartay magaalooyinkii waaweynaa ee shacabka badani ku noolaa, taasina, ay ka dhigtay inay goboladda waqooyi ku dhintaan kumanaan kun oo shacab ah, boqolaal kun oo kalena ay guryahoodii ka qaxaan.

Docda kale,  Inta badan saraakiishii ciidan iyo siyaasiyiintii hogaaminayay Jabhadii  lidiga ku ahaa Hogaamintii General Barre, waxay ahaayeen kuwo lasoo shaqeeyay Nidaamkii Keligii Taliye Barre, oo wasiiro, iyo taliyayaal ciidanba ka ahaa, intooda badana, taariikhdooda siyaasadeed iyo tooda ciidanba kamay horeyn kacaankii  uu hogaamianyay General Barre, balse markii danbe ka falaagoobay sababo la xidhiidha masaaliixdooda siyaasiga ah iyo hamuunta awooda kursiga ay u qabeen si kastoo doodoodu taas uga gedisnaydba. Xaqiiquna waxay ahayd, inay ahaayeen kuwo aad uga liitay dhinaca hogaaminta, maamulka, iyo wadanitadaba keligii taliyihii ay dagaalka kula jireen, taasna waxaa daliil u ah siday ugu fashilmeen inay dalka tub toosan ku hagaan kadib dhicitaankii General Barre, iyadoo ay dhacday in jabhad kastaa ay fidqooyin u kala dilaacday, isla markaana dhexdoodana ay dagaalo qadhaadhi dhexmaraan, taasoo salka ku haysay cidda kursiga ugu sareeysa ee dalka ku fadhiisanaysa. iyadoo qabiilooyinka taageeradda siin jiray jabhadahaasina ay jilibo kala taageersan hogaamiyayaashii kala irdhoobay kala noqdeen, tanina waxay daaha ka rogtay kuwa dhabta ah ee ay ahaayeen, iyo inaanay dalka iyo dadka xorayntiisa us socone, ay kursiga u socdeen, kaaga darane, ay garan la’ yihiin dhinacii ay kursiga kaga iman lahaayeen.

La soco Qaybta 6 aad…. Oo aynu ku eegi doono, maxsuulka ka dhshay dagaalkii jabhadihii awood kurisga oonka-u-qabay, iyo Keligii Taliyihii kursi jacaylku madax maray………………..

Qalinkii: Hussein Mohamed Mohamoud (Hussein-Lucky)

Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker