Haweenay Loo dhaariyey Garsoore Maxkamadda Sare Ee dalka Pakistan

Waxaa la dhaariyay haweenaydii ugu horeysay ee dalka Pakistaan garsoore ka noqta maxkamadda ugu sareysay dalkaasi. Caaisha Mailk oo 55 jir ah ayaa hataan ku biiraysa 16 saaxiibbadeeda shaqada ah oo dhamanatood ay rag yihiin. Arrintaan ayaase gudaha Pakistaan looga arkaa siyaabo kala duwan oo dadka qaar ayaa soo dhaweyay halka qaar kalana ay ka horyimaadeen. Munaasabbada dhaarinteeda ayaa lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Islamabad.

Qareennada iyo u dhaq-dhaqaaqayaasha arrimaha bulshada ayaa sheegaya in halgan dheer oo qaatay tobanaan sano isla markaana la xidhiidhray matalaadda dumarka ee maxakamadda saree e Pakistaan ay haatan haweeenku gaareen guul nadir ah.

Balse qaar ka mid ah qareennada ayaa ka soo horjeestay magacaabista Malik sababo la xiriira dhanka awoodda. Garsoore Malik, ayaa cilmiga sharciga ku baratay gudaha dalkeeda Pakistan iyo jaamacadda Harvard,ee dalka Mareykanka, waxaana labaatankii sano ee u dambeeyay ay ka shaqeynaysay maxkamadda sare ee Lahore ee bariga Pakistan. Haweenka dalkeeda ayaa u arka tallaabo guul gaara u ah haweenka reer Pakistaan.

Wararku waxay sheegayaan in marka laga soo tago qareennada guud ee ay dood magacaabisteedu ka dhexdhalisay garsoorayaashii codka u qaadayay magacaabisteeda kadib.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker