Baraarujin Suxufi C. Coomay by Amir Bidde

Waxaan akhriyey maqaal uu qoray nin la yidhaa Cali Coomay oo uu kaga hadlaayo is barbardhigga halgankii SNM iyo USC ay la galeen dawladdii Somaliya ee Siyaad Barre gadhwadeenka ka ahaa. Runtii waa maqaal qiime leh oo taariikh wayn xambaarsan,madmadow badana meesha ka saaray.
Waxaanse kugu baraarujin lahaa suxufi Coomay arrintan soo socota:
Markuu ka sheekaynayo halganka SNM wuxuu qoraa had iyo jeer in halganku ahaa mid ka dhexeeyey SNM iyo ciidamadii Siyaad Barre! Waa odhaah qaldan iyo turjimid taariikheed oo gaf iyo marin habaabin ah. Waayo? Siyaad Barre wuxuu ahaa madaxwaynaha Somalia oo ciidankuna wuxuu ahaa ciidankii Somalia. Dhibta iyo xasuuqa dhacayna waa mid ay dawladdii Somalia gaysatay. Waa wax dawladda Somalia waqtigay doonto ha joogtee masuuliyaddeeda leedahay, aargoosi, mag ama cafis dalabna iyada lagu leeyahay. Sidaa awgeed ayay madaxda Somalia ilaa maanta u diiddan yihiin inay qirtaan dabargoyntii iyo xasuuqii lagu sameeyey goboladeena . Nin dhintay beri hore maaha inaynu qaddiyaddeena ku soo koobno. Arrintan lafteedu (eray bixintan qaldan) waa ta maanta lagu duufsado dhallinta Somaliland ee Xamar tagta: Siyaad tagyoo khilaafkii dhammaa!

Dhallinteena waa in saxaafadda iyo W. Waxbarashaduba u muujiyaan colaaddo halkay tahay: inay ahaayeen ciidamadii somalia oo calankii somalia sitay… Siyaad Barrena ahaa madaxwaynahoodii… maantadana ay rabaan inay inna gumaystaan hase yeeshee ay awood uun ulaayihiin.

WAA IGA BARAARUJIN.

Wa Billahi tawfiiq,

A.Amir Bidde
ayanle_60@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker