Ciidamada Itoobiya oo TPLF kala wareegay Magaalooyin ka tirsan gobolka Amxaarada

Dowlada Itoobiya ayaa shaacisay iney ciidamadeedu dib ula wareegeen magaalooyinka Desie iyo Kombolcha oo ka tirsan gobolka Amxaarada, halkaasoo ay gacanta ku haysay kooxda TPLF.

“Geesiyada ciidamada difaaca qaranka ayaa xoreeyay magaalada taariikhiga ah ee Dessie iyo marinka ganacsiga iyo Warshadaha ee Kombolcha” ayaa lagu yidhi qoraal kooban oo ka soo baxay dowlada Itoobiya.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in xooogaga TPLF laga saaray degaano kale.

“Ciidamada difaaca qaranka ee dalka ee uu hoggaamiyo ra’iisul-wasaare Abiy Axmed ayaa kooxda argagixisada TPLF ka xoreeyay furimaha bari ee Batin, Kersana, Gerban iyo Degan” ayaa lagu yidhi qoraalka soo saartay dowlada.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xili Hogaamiyaha Jabhada TPLF Debretsion Gebremichael uu qirtay inuu jab xoogan ka soo gaadhay dagaalka ay kula jiraan ciidamada Itoobiya.

Khudbad uu telefishinka Tigray uga jeediyey shacabkiisa ayuu Debretsion ku sheegay iney go’aamiyeen ciidamada TPLF iney dib uga soo baxaan magaalooyinkii ay qabsadeen iyo dhul kale aad u baaxad weyn, ayna dhexda kaga jiraan xaalad aad u adag.

“Go’aanka dib u bixida waxa aan gaarnay ka dib markii aanu qiimeynay xaalada gudaha sida ay tahay iyo mda cadowgu ku sugan yahay, marxalada aan aragnay kuma sii socon karin, waxaana garanay iney wax badan naga khaldan yihiin. waxaan isla qaadanay in arrimaha aan soo hagaajino gudaheena, isla markaana aan dib u eegno nooca dagaal ee aan dhexda uga jirno” ayuu yiri Hogaamiyaha TPLF.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker