Somaliland oo Xoog isku Hortaagtay Wafti ka socday Puntland oo kusoo Socday Degmada Buuhoodle

Hargeysa (OWN) – Xiisada u dhaxeysa  Dawlada Somaliland iyo Maamul Goboleedka  Puntland ayaa maanta markale sarre u kacday xili ay xukuumada Somaliland ay Ciidamo iyo gaadiid dagaal ay  ku Daabulayso  deegaano ka tirsan Cayn.

 

 

Somaliland ayaa ciidamo ku hubeysan gaadiid dagaal geysay deegaankaasi, xili ay magaalada Buuhoodle ku sugan yihiin wafdi ka tirsan Puntland, oo xiisad adag kala dhaxeyso.

 

 

Sida ay ogaatay Shabakada Caalamiga ah ee Oodwaynnews  Ciidamada Somaliland oo watay Sagaal gaadiidka dagaalka ah ayaa gaadhay deegaankaasi, iyaga oo ku gooyayna waddo muhiim ah oo ay marayeen wafdiga Puntland.

 

 

Sidoo kale waxa is hortaaga wafdiga Puntland kala qeyb qaatay ciidamada Somaliland ee tegay deegaankaasi, Maleeshiyaad hore ugu sugnaa duleedka Buuhoodle oo ku biiray kuwa Somaliland.

 

 

Ciidamada Somaliland ayaa diiday in wafdiga Puntland oo shalay tagay magaaladaas ay usii gudbaan degaanka Horufadhi oo uu saaka qorshahoodu ahaa inay tagaan.

 

 

 

Waxayna wararku intaasi kusii darayaan in is-rasaaseyn xili kooban socotay ay dhex-martay ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland, kadib markii ay wafdigu ka biyo diideen is hortaagi ay ku sameeyen ciidamada Somaliland.

 

 

 

Xaalada guud ee deegaanadaasi ayaa hadda degan, iyada oo xiisada labada dhinac ee ka dhalatay wafdigaasina la rabo in lagu xaliyo qaab reer, maadama ay dhex-dhexaadin ka galeen odayaasha dhaqanku.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker