“Maaddaama Oo Xisbiyada Qaar Yidhaahdeen Komiishanku Shaqo Noo Qaban-maayo, Doorashadu Dib Bay U Dhacaysaa..” KULMIYE

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Maanta kulan la yeeshay labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID.

Kulanka Komiishanku la yeeshay Xisbiyada UCID iyo KULMIYE oo uu ka maqnaa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo doonaya in la kala diro Guddiga doorashooyinka Qaranka, ayaa markii uu soo dhamaaday waxa Saxaafadda la hadlay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere, waxaanu sheegay in Guddigu siiyeen War-bixin la xidhiidha Hawlahooda.

Guddoomiye ku-xigeenka KULMIYE Axmed Cabdi dheere oo la waydiiyey inay muuqato Ifafaale ay doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaannadu dib ugu dhacayaan, ayaa sheegay inay arrintaasi suurto-gal tahay, maaddaama buu yidhi Xisbiyada qaar yidhaahdeen ‘Shaqo nooma qabanayaan Komiishanka..” ayuu yidhi.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker