Maxey tahay sababta ugu weyn ee Xuutiyiinta Yemen ay gantaallada ula dhacaan Maraakiibta shisheeye?

Fallaagada Xuutiyiinta dalka Yemen oo gacanta ku haya qaybo badan oo ka mid ah dalkaas, ayaa ka digay inay bartilmaamedsan doonaan dhammaan maraakiibta ka gudbaya Badda Cas ee xiriirka la leh Israa’iil, xilli Qasa uu ka socdo dagaal muddo qaatay oo u dhaxeeya Xamaas iyo ciidamada Israa’iil balse waxyeellada ugu badan ay ka soo gaarto rayidka reer Falastiin.

Bishii Nufeembar, ciidamada Houthi waxay afduubeen markab xamuul ahaa oo marayay Badda Cas oo la sheegay in Isr’aail laga leeyahay .

Labadii bilood ee la soo dhaafay, Xuutiyiintuwaxey weerareen dhowr maraakiib kale oo ganacsi oo qaarkood ay ku dhufteen gantaallo kuna weerareen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

​Xuutiyiinta ayaa sheegay in tillaabadan ay garab ku siinayaan Falastiiniyiinta Qasa ee dhibaatada ba’an ku wajaha Qasa, iyagoo wacad ku maray in ay beegsan doonaan Maraakiibta dalalka Israa’iil taageera oo dhan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker