Tahriibayaal ay kamid ahayeen Soomaali oo ku geeriyooday Xadka Turkiga iyo Giriiga.

12 qof oo tahriibayaal ah oo Labo kamid ah ay Soomaali yihiin ayaa meydkooda laga helay magaalo yar oo Turkiga ku taal una dhow xuduudka Giriiga oo ay inta badan adeegsadaan dadka tahriibayaasha ah ee doonaya inay galaan dalalka Yurub, ka dib markii ay u dhinteen sida la sheegay qabow badan iyo Baraf halkaasi ka dhacay.

Ka dib markii meydadka dadkan laga helay meel qabow ah oo u dhow magaalada Ipsala Arbacadii la soo dhaafay, wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu ayaa ku eedeeyay ilaalada Giriiga inay si ula kac ah qaxootiga dib ugu celinayaan xadka.

Laba wiil oo Soomaali ah oo lagu kala magacaabi jiray Abuubakar iyo yaxye, ayaa la xaqiijiyay in ay ka mid yihiin Dadka Ku geeriyooday Xadka Turkiga iyo Greece sida ay Poliska u xaqiijiyeen xubno kasocday Jaaliyada Soomaaliyeed ee Turkiga oo tagay goobta ay maydadku yaleen.

Weli waxa jira maydad kale oo aan weli la aqoonsan in ay Soomaali yihiin.

Heerkulka aagga ay ku geeriyodeen dadkan ayaa gaarayay laba ilaa saddex darajo Celsius (35.6 – 37.4 Fahrenheit) illaa dhammaadkii bishii Janaayo iyo horraanta bishan Febraayo, sida uu sheegay duqa magaalada Ipsala, Abdullah Naci Unsal.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker