Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya oo magac cusub ugu wan-qalay shaqsiyaadka ka soo jeeda Somaliland ee doonaya inay xubno ka noqdaan Baarlamanka Xamar

Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya oo warsaxaafadeed ka soo saaray hawlaha khuseeya doorasho-la-moodka la qorsheeyey inay ka qabsoonto Soomaaliya maanta (Khamiis, 19 November 2020), ayaa si toos ah u qeexay in shaqsiyaadka asal ahaan ka soo jeeda dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee doonaya inay ka mid noqdaan labada aqal ee Baarlamanka Xamar ay yihiin xubno metelaya beelaha ay ka soo jeedaan, taasoo muujinaysa in hoos loo dhigay meqaamkii ay sheegan jireen oo ahaa inay metelaan Somaliland oo dhan ama sida ay ku dooddo dowladda aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya ee ah inay wakiil ka yihiin Gobollada Woqooyi ee Soomaaliya, balse waxa loogu wanqalay magac cusub oo ah “kuraasta loo qoondeeyey beelaha Somaliland.”
Inkasta oo ay yihiin shaqsiyaad shaqo tegay, isla markaana aanay jirin beel qudha oo Somaliland ah oo si buuxda isugu wada raacsan inay wakiillo ku yeeshaan Golayaasha Dowliga ah ee Soomaaliya, haddana waxa dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waajib ku ah inay soo saarto sharci adag oo lagu mamnuucayo in cafis loo fidiyo qofkasta oo xil siyaasadeed ka soo qabta Soomaaliya, sidoo kalena waa in lagu qaado dambiyada khiyaamada qaran ah ee ay ku kaceen, iyagoo maqanne ahna lagu rido xukun maxkamadeed ciqaabtiisu aanay ka yarayn 10 sanno, iyadoo lagu darayo liiska madaw (blacklist) ee ay lagu daro dadka khaayinul-waddaniyiinta noqda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker