Ma Dhabaa Ina Cabdulle Xasan Waa Gabyi Jiray. Qeybta. 8aad.

Waxa af Soomaaliga ku jira eryo fara badan oo af qalaad ah, oo taariikho kala duwan af Soomaaliga ku soo biiray. Af Carabi ga ka sokow iyo eryada af Soomaaliga ku biiray ee ka yimi qawmiyadaa Soomaalida la ood wadaag ah, waxa jira eryo Isticmaaradii kala duwaanaa ku soo biiriyeen Af Soomaaliga. Eriga “Faranje” oo Somaalidii hore u taqaanay European ka oo ka yimi “ Franks” , eriga “ Karbaash” oo af Somaaliga kaga yimi Iscticmaarkii Turkish ka ( 1875-1884) , eriga “ sarkaal” oo asalkiisu ahaa Hindi “ Sardar ama sirdar”, eriga Baadari oo Talyani ah iyo eri hada suugaanta laga helo “ Raid” loona af Soomaaliyeey “Rayid” oo Ingiriis ah macnihiisuna yahay “ duulaan”.

 

Suugaanta loogu abtiriyay ina Cabdulle Xasan ee Diiwaanka Aw Jaamac wuxu ku jiraa laba gabay oo ku saabasan duulaankaas RAID oo eriga laftiisa laga dhex helayo gabayguna ku hadlayo colkaas. Wuxu Aw Jaamac iyo Axmed Cali Faarax Idaajaa ku macaneeyeen erigaas “ Raid” sidan (Rayid: Waa magac Daraawiishtu u tiqiin dadkii Ingiriisku u talin jiray ee raacsanaa.).  Dabacan inagama qarsoona waxay u jeedaan labada jaale, waa sheekooyinkoodii ribada ahaa ee lagu bartay.

 

Ka hor colka Raid , bishii 5aad , 1920kii ayaa col Daraawiish ah iyo Ogaadeen ah oo u hogaaminayo Khaliif Sheekh Cabdille soo weerareen Habar Yoonis markaas yiilay xadka dhankiisa Ethiopia . Jeffory Archero o dawladiisa u gudbinaya war bixin wuxu yidhi:

“Mudo ba kama soo wareegin markay rumowday cabsidii la qabay , 18kii May aya col ka socoda Ogaadeen ka Bah Geri iyo Amadan oo ay weheliyaan Daraawiishtii  Khalif, oo lagu qiyaasey 500 oo qori weerar ku soo qaadeen Ba Xawaadaa  Ogadeen ee ku dhex noolaa Habar Yoonisteena xigta xadka koonfureed , halkaas na xoolo badan ku kaxaysteen kuna dileen Isaaq badan oo isugu jira , rag , dumar iyo caruur ba.  Markii ay iila soo xiriireen duruufahaas hoggaamiyeyaasha qabaa’ilka masuulka ka ah, waxaan qaatay fikradda ah in kasta oo aan awoodin inay dawladu  caawiso ama tillaabo ka qaado. Ma jirto sabab loo dhowri karo heshiiska noqday dhinaca kaliya , ayadoo dadkeennu ka awood weynyiin ma xakameyn karno  markay Bah Geri  siday doonaan  u madax banaanyiin duulaankooda. Runtii, way ii cadahay sida ay ula muuqatay hogaamiyaasha qabaaillada hadii la sii sugo in xaalad cusub oo murugsan laga yaabo inay aad uga sii darto, xuduuda koonfureedsSidaa darteedna ma tixgalin inay muhiim tahay ka hor tag dalwadeed,  haday qabiiladeenu arrimaha hor yaal faraha la guda galaan si toos ahna u wajahaan halista hor taagan “

 

 

Duulaankii “Raid” wuxu colkaas xarumaha Daraawiish ta ee Qoaraxay galay 14 kii July, 1920. Colka waxa laga abaanduuleeyay Buhoodle tirdooduna waxay ahayeen 3000, abaandulle guud na waxa looga dhigay Xaaji Maxamed Bulaale oo ku caan ahaa Xaaji Waraabe , ciidankaas oo 3 qeybood loo kala saaray waxa qeyb tiradoodu ahayd 1600 hogaamiye ka ahaa nin la odhan jiray Faaraax oo Isaaq ahaa. Ciidankaas badankiisu wuxu ahaa Isaaq siiba Habar Yoonis , Habar Awal iyo Habar Jeclo iyo xoogaa Dhulbahante( Cali Geri). Caroselli oo Italian Somalia ka ahaa sarkaal 1937kii wixii ka danbeeyayna ka ahaa “governor” ayaa wuxu duulaanka Raid buugiisa sidan u sheegay sidu dagaalku u dhacay:

“Rait waxaa loo qaybiyay saddex tiir, mid ka mid ah 1600 oo qor Isaaq ah, oo uu hogaaminayo Hagi Fara Isac, ayaa lagu weerarey 14kii Luulyo xerada weyn ee Wadaadka ee Shiniile  halka, “Sayed”ciidankiisu  ahaa  1,500 oo hubaysan iyo 200 oo fardooley ah.  Raacii  labaad oo la sameeyay oo gebi ahaanba Dulbohanta ah, ayaa dhinaca galbeed ka riixay dhinaca toga ‘ Ever Ad’,  koox saddexaad ayaa ayadyuna baacsatay Wadaadka  Ilaa xagga Imi . Weerarka, oo si lama filaan ah u billowday aroortii hore ee maalinta, ayaa gaadhay guul dhameystiran.”[1]

 

War bixintaas sidu buugiisa u ku sheegay Francesco Saviero waxay ka heleen nin ayaga u shaqayn jiray oo Soomali ah oo Wadaadka ciidankiisa ka yimi 20kii August 1920. Nin oday ah oo reer Cabdille ( Ugaas Warfaa) ah na waxa dhacdadaas laga hubiyay bishii september 1dii.[2]

 

 

Duulaankaas Raid waxa lagu hantiyay geelii Hagoogane , oo qiyaasta xoolaa la dhacsaday ay guud ahaan gaadhayeen ilaa 60 kun oo neef  iyo 700 oo qori. Duulaankaas waxa aad lagu jabiyay Ogaadeen gaar ahaan jilibka ina Cabdulle Xasan ee Ba-Geri , reerkaas oo 20 sanadood la xulufu ahaa Daraawiishta Waqooyi (Somaliland) oo ayagu reer ahaan ku lamaanaa Daraawiishta , saldhigooduna ahaa Wardheer ilaa Webiga, abaanduulahooduna ahaa Khaliif Sheekh Cabdulle , Wadaadka walaalkii. Horaa loo yidhi “Gari laba nin kama wada qoslisiiso” waxa dhanka Ogaadeen ka ka soo gabayay Qamaan Bulxan oo calaacalaya Isaaq na la hadlaya. Wuxu yidhi:

 

Wax la siiyo Aadmiga ninbow[3] sadaqad roonaaye

Mulsim iyo Kufriba wow sitaye saancad baa helaye

Nina lama sinaadeen haduu saganta daayaaye

Isba caawa Sayl iyo Idiin laga salaamaaye

Seedlay ma foofsado ninkii saan ogaa qabaye

Suli weeye reer Nuur[4] wixii lagu sarseeraaye

Sareedooy b’a saa Maxamed baan axad sin taagnayne

Sodon baa doraad lagaga yimi saadadu wadaye

Salka meel u dhigo waa l’aa socoto mooyaane

Sugudna waa u weel lamana tegin sabasho xoolaade

Haday sigato gobi waa kacdaa amase suuxdaaye

Suryo kuma bakhtidoo maalintii laga sareeyaaye

Waa seben sokeeye iyo xigaal waxay sin taalaaye

Sed u dhigo Isaaqow nabsigu kaama soomano’e

Soofkana badh celi waa arkaa saad u gaalibiye.

 

Sidaas u Qamaan Bullxan ba sheegay Isaaqa guusha iyo xoolaa ay heleen waxay noqotay taariikh culus oo geela Hagogane ba wuxu magacu ugu baxay taggi guushaas ka qeyb qaatayna kibir bay la Hagoogteen raggi duulaanka ka maqanaadayna ciil bay la Hagoogteen . Nin la odhan jiray Cali Diiriye Xasan oo ragaas duulaanka ka maqanaa ayaa Hargaysa ka soo gabayay isna ,  oo wuxu yidhi..

 

Dhul fog buu dhanbaal iiga yimi xalayto Dhoorowe

Bal dhagayso warkaan wax badan dhawaryaan helaye

Meesha iyo Dhoodi iyo Hawd Doollo dhinacooda

Dhebiga iyo madheedhkii dhulkay Dhebi ka daaqaysay

Dhaqaaqili ma joogtaa la yidhi dhegihii Daaroode

Kaymii dhuyaca weyn lahaa laga dharaar guurye

Dhirbaaxoooyin kulul baa ka raray kama dhul doorteene

Dhamaadaa la yidhi wiilashii dhiiranaan jiraye

Wax la yidhi Dhulbahantii ma hadhin shaale dhawr boqole.

Wuxu dhogor yarow geel lahaa dhece xigaalkeene

Intii dhimatay mooyee wixii hadhayna dheeraaye

Waxa la yidhi Ogaadeen dhaaf Dhoobey iyo Luuqe

Dhaaxey wax badan umiyaha kaga dhawaajeene

Oo ay dhaceen oo khaliqiga dhiila geliyeene

Alleylehe berina aan dhintee Ii dhamaa sharafe.

 

Diiwaanka ina Cabdulle Xasan la magac baxay waxa ku jira gabayo badan oo raggi lahaa maanta la ilaaway , waxa jira gabayo nimankii Daraawiishta ku jiray xarunta ka soo tiriyeen ama Illig ha noqoto wixii ka danbeeyay 1905 ama Taleex iyo Surad ha noqodaane iyo gabayo fara badan oo ay soo tiriyeen reerka Ba Geri oo ku lamaanaa ayagu reer ahaan Daraawiishta se ka madax banaanaa Daraawiishta Waqooyi ama Somaliland joogay ee la yaqaanay.Gabaydaas Ba Geri oo u badan gabayo reernimo ku mutuxantay laftoodu kuwaas waxa lagu daray diiwaanka oo la yidhi ina Cabdulle Xasan baa soo tiriyay taas oo dadka la yaab ku abuurta, sabab ta oo ah  qofka gabayadaas akhriya ama ma maqlaa wax markiiba ku soo dhacaysa qabyaalada xad dhaafka ah ee reer ahaan ee gabayga ka muuqata iyo isla markaana Daraawiishnimada.

 

Gabayadaas Ba Geri soo tiriyeen ee ku milmay diiwaanka Daraawiishta wax ka mid ahaa gabayga Shiinleyda ah ee ”Wiilyahow Shareecadu” looguna jawaabay Cali Dhuux oo Ba Geri oo duulaan ah oo dhankaas iyo Doollo ka soo duulay dhulbahnatii lagu soo duulay geelii dhacsadeen ( sanadkii 1912kii) , ka dibna Cali Dhuux ku faanay , hadaad Isaaq noo dhaaftaan kuwaas baad dhici lahaydeene ee maydun jabteen. Wuxu yidhi Cali isagoo la hadlaya Ba Geri.

 

Shuunkii Hartoo wada fadhiya shaaxin golaheeda
Oo Xamar shakaalka ugu jiro shullayarow Maydal
Oo shamaca maadhiinka yari lag iyo shay gaaro
Oo uu shirkooduna dhan yahay shaybe iyo wiilba
Shaqfadlay Bah Geri waa wixii sheemo weeraraye
Cayuun shacabka wiilkii lahaa shaaha karinaayo
Waayeelna xeeb uga shir tegay male Shirshooruuye
Isagaan shaarubloow reer Isaaq shucub aan reebeene
Shamal ay tuntaan iyo haween shuqulkii mooyaane
Sharba idinma daareen haddaad shalay na dhaaftaane
Daraan idin shiddeeyeenba waa naga shisheeyeene
Sheekadayda waad haysataan aniyo Shaywaale
Shanlihii wadaadkaad siddeen shagax ma siiseene!

 

Ninkii Ba Geri ee soo jawaabay na wuxu ku soo jawaabay in Somali oo idil ay ka dhigeen mid ay gubaan iyo mid ay dhibaan , Cali Dhuuxna u ka yahay Shrishoore  yar ” idoorku u sharaadayna ka sheexo ” macanii Idoorku u baanay yaso , wuxu gabayga ku yidhi ninkaasi:

 

Wiilyahow[5] shareecadu nimay shuuftay baad tahaye
Shiqiyahow waxaa lagugu nacay sheeka xumadiiye
Shaqfad li’idu waa waxaad u tiri shuun saraan ahaye
Adaan shaato kaa foofahayn sharaf ma laacdeene
Iiddoorka kaa sheexayana uma sharaaddeene.
Soomaali waa midaan shidiyo midaan shiddeeyaaye
Adiguna Shirshooraad u tahay sharada maantaaye
Shiil baan wadnaha kuugu ridi shuuqda weligeeda

Geelaa ku caan baxay magaca Daboolane , waxa la qaaday bishii December sanadkii 1908dii. Geeelaas waxa laga qaaday Galaadi oo Daraawiishta ama beesha Ba Geri uu hoogaaminayay Khaliif Sheekh Cabdille ayaa geelaas ka dhacay reero Habar Yoonis ahaa oo aagaas daganaa , ciidankii raacdadda ahaa oo u hogaaminayeen rag u ka mid ahaa Caaqil Axmed Shire[6] iyo walaalkii iyo Cabdi Guuleed [7]Xaaji iyo colkii Ba Geri ayaa is helay raacdaddi Habar Yoonis wa u suurtoobi wayday inay geelaas dhacsadaan waxa geelaas ku dhintay Caaqil Axmed Shire iyo Walaalkii.  Laba gabay oo labaduba isku xaraf yihiin ayaa gabayada geelaas kaga jira diiwaanka , oo ay ka muuqato in laba qof soo kala tiriyeen , gabayada Soomaali nina isku xaraf laba gabay oo isku ujeedo iyo mawduuca ah kama tiriyo. Hadaad aragtidba 2 gabay oo isku mawduuc iyo isku ujeedo ah waxay u badantay inay gabayaa kala duwani soo mariyeen , gabayadaas waxa ka mid ah sidaynu hore ba u soo sheegnay 2da gabay ee xarafka  ” H” da ah ee Cali Jaamac Haabiil loo soo tiriyay oo kale . Labadan gabay ba waxa soo tiriyay beeshaas geela qaaday . waxa ka mid ah labada gabay :

 

Iiddoor waxaan meeriyoo, malas u daadshaaba
Minka waxaan dayaafad u dhigoo, malab ku siiyaaba
Madadaalo beena iyo cayaar, waxaan ku maahshaaba

Maaweelo aan jirin waxaan, maandhe ku hayaaba
Waxaan maansa booli iyo jiib, ugu madiixaaba
Salaan aan milgo lahayn, waxaan midigta saaraaba

Wixii an magoogaayey, waa miiska aan falaye
Makhrib dumay sidiisii, xeryaa ma u madoobeeyey
Ma makalay wax badan, waanigii maarruhuu sidaye

Murti nimaan lahayn iyo gun, waa laga mildhaashaaye
Wax midgaana Deylkii martiyey, ma hurihiisiiye
Meertaysi nimankii u baxay, Eebbe naga meerye

Durba murugadaan qabiyo, riday milaadkiiye
Meydkooda waa tuu ahaa, maadho oo kale e
Nejiskaan mudmuday shaleyto, waa maqaddinkoodiiye

Musanowga Caynaanshe waa, mahad Ilaahay e
Mersadii Berbera haw la kaco, maatadaan dhacaye
Malaw iigu soo godol anay, maahuggay tahaye!

 

 

Marku gabayaagii hore intaas mariyay ayaa hadana nin kale ka daba qaadanayaa , isagoo weliba isku taxlujinaya inu gabayaagii hore ka xaraf-raaco qaafiyada iyo qodabada gabaygaba , wuxuna isna u dhigayaa gabaygiisa sidan:

 

Iiddoor waxaan meeriyoo, malag la raadshaaba
Waxaan maylinkuu looliyoo, micida ruugaaba
Inaan miigihii shalay u sheegay, mahade haw sheego!

Inaan guuto mawjiida oo, miiriya u geeyay
Oo aan makalay duulku, waa iga mutaysteene
Oo aan mareegaha u furay, mahade haw sheego!

Gabagabo ku miiskii haddey, Meydho ololeysa
Sidii muusannow bay nirguhu, mawda ku hayeene
Madiixa iyo ololkii ka baxay, mahade haw sheego!

Hadday soo miraadeen kuwii, maali jiray geela
Majiiraha rogaalkii, inaan mariyay oo laayay
Aan muquddimiintii la hadhay, mahade haw sheego!

Malaanmalida nimankii ahaa, waa maquunsadaye
Magligii markaan ula baxay, marada xooreene
Inay malashka laalaadiyeen, mahade haw sheego!

Anna maarrihii1 waan la helay, kun iyo maymaye
Maydkoodu waa tuu ahaa, maadha oo kale e
In waraabihii marax ka helay, mahade haw sheego!

Colujoog midgaan buu noqdoo, male ku beenowye
Kolkaan moorradduuguu ilmada, maag u soo qubaye
Inuu maatadiisii u dawari, mahade haw sheego!

Maal waa la kala qaadi jiray, tan iyo manow ahaantiiye
Anigaba wax badan baa malyuun, layga meersadaye
Kanse inaan masaalkiis la arag, mahade haw sheego!

Inaan maalmo kala toocayoo, qumusku miiraayey
Oo maxashii loo yeelaayoo, maara laga waayey
Ay milic kaliileed tubnayd, mahade haw sheego!

Ninkii macatab loo xiray, ma helo medad Ilaahay e
Daraawiishi waa mira jannoo, loo muraad qumiye
Ninba xero muggeed inuu la tagay, mahade haw sheego.

 

Maalintii Daraawiishta lagu jabiyay Taleex qalcadana ay qabsadeen ciidannkii fardoolayada ahaa oo ka koobnaa 1,500( tribel levey ) ee guud ahaan hogaaminayeen Xaaji Muuse Faarax iyo Allen Gibb , cutubyada hoose na ay kala hogaamiyeen Cuqaal sida Xaaji Maxamed Bulaale ( Waraabe) iyo Caaqil Jaamac Axmed Shire[8]. Xiligaas oo ahaa Bishii Feburary 1920 markii Taleex la qabsaday iyo duulaankii ugu danbeeyay ee Raid oo dhacay July 14,1920 markii Wadaadkii Imi u firdhaday. Waa mudo kooban oo ilaa 5 bilood ah , 5taas bilood arimahaas dhacay oo dhan suugaanteedii wax yar baa laga hayaa , dhacdooyin ka weyn dalka malaa dagaalkii aduunka ee 2aad mooyee jabkaas Daraawiish dhacadu ka weyni ma jirin, dhacdo noocaas oo kale na ah waa qasab in gabayo xad dhaaf ah lays wadyaarsado. Yaasiin Cismaan Keenadiid ayaa buugiisa ku sheegay in gabayo badan oo digasho ah loo soo mariyay Daraawiishta mudadaas dhexdeeda Taleex ku gacan digeedii ilaa duulaankii Raid ee ilaa Imi gaadhay. Wuxu yidhi Yaasiin Cismaan Keenadiid:

 

”Dhaqdhaqaaqa Daraawiish ma lahayn urur ku dhisan sal adag; wax walbana waxay ku urursanaayeen gacantii Sayid, isla markiibana wuxuu ka tagay goobta, wax walbana waxay ku dhammaadeen xumbo. Isla mar ahaantaana, Soomaalidii hore uga soo horjeedday Sayidku farxad ayey la kaceen; gabayo fara badan oo ka soo horjeedda Sayid ayaa dalka oo dhan baabi’iyey.” [9]

 

Gabayada Raid  dhanka colkaas jabay waxa ka mid ah labada gabay ee Raid ee AW Jaamac Cumar Ciise iyo kooxdaas buuga Diiwaanka ” Sayyidka” ku sheegeen ina Cabdulle Xasan waxa ka mid ah gabaygan Raid loo soo triyay:

 

Rayidow garaad nimaan lahayn, waa geddaad tahaye
Gardarradiyo maaggii horaa, geeridaa dhigaye
Gef waxaan ka tegin baad tahaye, gaabso hadalkaaga.

 

 

Waxa Isna jira gabay ay u bixiyeen kooxdaasi ”Bal Dayaay ama Bal Doyooy” oo ah gabay ninka tiriyay u qayshanaayo Ogaadeen ka (Baahale), uguna dhaaranayo Raid ama Isaaq. Gabaygu waa gabay ay ka muuqato nin Bah Gari ah inu soo tiriyay , gabaygaas Yaasiin Xaaji Cismaan Keenadiid sidu buugiisa ku daray wuxu yidhi ina Cabdulle Xasan ma tirin oo waxa tiriyay nin Ogaadeen ah oo Ba-Geri ah. Halka u Aw Jaamac oo jecel inu Ina Cabdulle Xasan gabay kaste siiyana  Diiwaankiisa ugu daray. Se xaqiiqadu waxay tahay sidu u dhigay Yaasiin Cismaan Keenadid.

 

 

Rayid [10] wuxuu ku dabandeebayaa markaan, dirir u qiimaaye
Dabatoobka Iiddoora baan, deyrka ka eryoone
Bal dayooy maruun baan dawixi, digasho geeraare

Halkaas marku gabayaagu kaga bilaabo wuxu Isaaq la damacsanyay ayaa wuxu u galayaa jilibada Ogaadeen ee isugu yimaada Baahale oo ugu calaacalayaa ciidan iyo wax tar.

Ogaadeenka* duuflaalayee dagal ba  meel aaday
Maruun buu dallaaddaan ku furo, degi inshaalleeye
Bal dayooy shir doonyaale, mar buu soo dabbaldegiye

Doongaha *Ammaadina Cabdaa[11], loogu daw galaye
Dabbaraarihii baa khatalay, daadufka ahaaye
Bal dayooy dalkii lagu galay, deleb ku dhibaane

Duudyaalka reer Cumar Ugaas*, duunka kuma hayne
Maruun bay dubbada Maalinguur*, soo digiigixiye
Bal dayooy dannaaniga mar baa, deexda loo rogiye

Huwan* baa darxumo quursateen, damac Alluu naarye
Dillaalkiisa Ina-Aw Cilmaan*, duxi ka raacayne
Bal dayooy dubbihii lala dhacay, daqarka hoorshaane

Isna daacad dhiib kuma samreen, degaha Haarune*
Nimankii dalkoodii la dhacay, uma dagaageene
Bal dayooy dacluuskii qabsaday, kuma dan qaateene

Inkastuu jinnnigu duufsadee, Doh iyo Buur geeyay
Marna door intuu ciirsi bido, Dalal* ma yeeleene
Bal dayooy dawaaraha mar buu, daw ka soo dhiciye

Cawlyahanka* daraf baan lahaa, diifta kula roore
Goortuu Makaahiil* dujeey, iga danaysteene
Bal dayooy shisheeye i dafay, an iga doorteene

Aniguba dudmiyo ciil waxaan, dibedda meeraaba
Waxay deyraday igu faleen, deris ahaadaanba
Bal dayooy mar buu iga duub nixi, duunka Baahalae*!
[12]

 

Gabaygaas hore ee la magac baxay “ Bal Doyooy” shaki kama jiro inu gabaygaas lahaa nin Ba Geri ah ama se jilibadaas Baahale ahaa , sida gabayga ka muuqata , waxa se gabaygan la ogaan karaa cidii tirisay marka isla gabayga la xidhiidhsan ee marmarka qaarkood laysku qaldo ee ”Dardaaran” la falanqayeeyo , taariikhdu ahaa , ciday lahayd iyo cadaymaa loo hayo. Intaan gabayga Dardaaran u gudo galin waxa waajib ah in horta la ogaado xaaladu ku sugnaa xiligaas ina Cabdulle Xasan ee Imi. War bixintan waa war bixin tii ugu danbaysay ee xaalada ina Cabdulle Xasan ska dib duulaankii Raid waxay u yaaceen isaga iyo kooxdu watay Imi , war bixintuna waa tan:.

 

Gabayga Diiwaanka Ina Cabdulle Xasan ugu danbeeya ee loo bixiyay ” Dardaaran” gabaygaas wuxu gabayaagu ugu jawaabayaa rag badan oo beesha Daarood ah oo jabkii Darawiishta ka dib ku digtay ( sida Cali Dhuux oo kale[13]) Sidu u sheegay Yaasiin Cismaan Keenadiid buugiisii 1984. ”Gabygaas Daradaaran rag badan oo qolyaa Daraawiishta laga waraysto taariikhdooda ayaa ku dooday inu gabaygaasi aanu lahayn ina Cabdulle Xasan ” Marku hadalka sii watana wuxu odhanayaa:

 

“Qaar badan ayaa xitaa gaadhay ilaa iyo hadda in ay yiraahdaan gabayada waa been abuur iyo inusan wax xiriir ah la laheyn Sayidka. Xasan Abshir Dhoorre, wiilkii ninkii caanka ah ee Abshir Dhoorre – oo ka mid ah saraakiishii sare ee Sayid ka- iyo kuwo kaleba waxay gabyaaga u nisbeeyaan mid ka mid ah Reer-Cumar, oo uu adeer u yahay Xaaji Cali Majeerteen (= Xaaji Cali cabdiraxmaan), oo la odhan jiray Aw. Cismaan Maxamed Xaaji Cali Majeerteen !! Sidaas oo ay tahayba, waxaa la rajeynayaa in gabaygu uu mari doono daraasad muhiim ah , si loo ogaado xaqiiqadiisa iyo daahirsanaanta una badbaadiyo waxa ku jira iyo runtii Sayidku.” [14]

 

Gabayga Dardaaran inaanu ina Cabdille Xasan shaqo ku lahayn horta maraga ugu horeeyaa waa shakigaas Yuusuf Cismaan Keenadiid ee u yidhi ina Abshir Dhoore ayaa gabaygaas ku sheegay inaanu lahayn ina Cabdulle Xasan , arintaas waxbaa ka jira oo Absihir Dhoore Imi ayuu kula sugnaa ina Cabdille Xasan ilaa marku dhimanayay.[15]

 

Qodobka labaad ee cadaynu  ah inaanu ina Cabdulle Xasan gabaygan lahayn waxa u maraga ah isla gabayga laftiisa oo hordhacaba ninka tiriyay sheegayo dhibaatadii Wadaad, ama Ikhwaanka ku dhacay wuxu odhanayaa gabayaagu:

 

Dubuhii Ikhwaankii ku dhacay, dacatigii gaadhay

Dariiqii Rasuulkiyo wixii, diinta laga jiitay

Dabradii waraabe iyo furuq waxa, dadkii xaaqay

 Iimey degteedii waxay, duumo nagu laysay.

 

Daliilka ugu culus inaanu ina Cabdulle Xasan gabaygan lahayn oonu lahaan karin waxa laga ogaan karaa marka la ogaado xaalkii maamilimihii ugu danbeeysay Wadaadka iyo hadhaagiisii ilaa dhimahsdaiisii. Siday ku sugnaayeen 5tii bilood ee ugu danbaysay Wadaadka iyo xiritiisii ilaa geeridiisii, waa tan war bixintii ugu danbaysay:

 

 

“Maxamed Ina Cabdillaahi Xasan, oo ay weheliyaan xaasaskiisa, walaalihiis, iyo ku dhawaad 100 Soomaali ah oo ku hubaysan qoryo, ayaa soo gaadhay Goanneh, oo u dhaw Imi, oo ku taal Webi Shebeli, horaantii Oktoobar 1920. Waxay dhisteen daar 6 talaabo dhararkeedu yahay baaxadeeduna 4 talaabo tahay  oo leh laba albaab. Waxay u dhiseen sidii ugu adkayd, oo waxay banneeyeen meel bannaan horteeda. Isla markii uu soo baxay warkii inu Wadaadku joogo ayaa waxa soo gaadhay Fitaurari Seyoum, oo ahaa taliyihii ciidanka Xabashida ee Ginir, wuxuu u diray mid ka mid ah saraakiishii, Garazmatch Ayale, si uu u ogaado cidda duulaanka ku ahayd iyo sababta uu ugu soo galay dhulka Abisiniya.

 

Wadaadkii wuxuu si wanaagsan u soo dhaweeyay ergowgi ( Ayale). Wuxuu sheegay inuu Ingiriis soo jabiyay, uuna u yimid Abisiniya isagoo raadinaya magangalyo. Laba maalmood ka dib Ayale wuxuu ku noqday Ginir. Wuxuuna sii qaaday hadiyado Wadaadku u siiyey Fitaurari  oo ah laba qori iyo baaskoolad iyo labo Lee-Metford qoryaha ah. Kahor intaanu bixin wuxuu bilaabay inuu wadaadka cunto u soo diro. Fitaurari Seyoum ayaa taleefanka ugu warbixiyay Ras Taffari[16] kaasoo amar ku bixiyay in uusan weerarin Wadaadka, laakiin uu ku hayo ilaalin, kana hortago baxsashadiisa.

Qodobbadii loo ballanqaaday lama oofin, waxaana Wadaadka u diray mid ka mid ah walaalihiis iyo qof raacsan, Cabdi Sheekh, si uu uga codsado Fitaurari cunnadii. Aakhirkii, isagoo ku shaqeynaya awaamirta Dowladda Dhexe, wuxuu ku tuuray ergooyinkii xabsiga. Ka dib Cudur iyo abaar ayaa ku dhacay xaruntii Wadaadka. Bishii Disember ayuu dhintay; dhimashadiisa waxaa sababay dhiigbax iyo matag dhiig. Waxaa lagu aasay aqal ku yaal Goanneh. Iyada oo la raacayo dhaqankii Muslin ka, xayndaab yar oo qudbi  ah ayaa laga dhisay qabrigiisa, meesha looma aqoonsana inay tahay meel la siyaarto, mana ahan goob la booqdo.

Inbadan oo kamid ah xertiisa ayaa u dhintay isla waqtigaas xanuun iyo gaajo. Dadka soo badbaaday waxaa ka mid ahaa Cabdi Sheekh, Yusuf Sheekh, Suldaan iyo Jaamac. Dabadeedna waxaa soo weeraray niman reer Karanle ah, oo bililiqaystay wixii hanti yar u hadhsanaa. Boqol iyo todobaatan iyo lix  qori ayaa laga dhex helay xerada.  Kuwaas oo u la waregay  Fitaurari Seyum. Weli waxaa ku hadhay degamda in yar oo ka mid ah olol silic ah  oo dawarsiya. “[17]

 

Geeridii ina Cabdulle Xasan waxay ku eekayd Bishii December 1920kii ama sidu Talyaanigu sheegay Januray 1921. Dhimashadiisii ka dib ayaa xirtiisii yarayd ee soo hadhay waxa weeraray reerka Hawiye ee Karanle ( Warneef) sida qeybta ugu danbaysa ee war bixinta ka muuqata , gabayaaga tiriyay gabaygaas ” Dardaaran” waa sheegayaa inay Warneef ku soo duuleen xoolliina ka dhaceen, waa ka dib geeridii ina Cabdulle Xasan. Wuxu gabyaagu odhanayaa:

 

Durqunkii Warneefkii qabsaday, dibidii noo joogtay

Diihaal wixii uu na baday, daafi cunidiisa

Dabaley Caruusaad waxaan, deris xigaal moodnay

Durufley Amxaaraad waxay, nagu dinaahyeysay

Dullihii shareeraa wixii, daal na caga gooyey

Iyo duni wixii nagaga lumay, dararkii Ceeldheero

Dul-ku-neefle kaan soo ag maro, duullaan ka hor geyska

Dubbayaal wixii nagu dhacee, na lagu daanduunshay

Annagu diidi maynoo wadkaa, Daayin noo qoraye

Ninkii dunida loo deynayaa, haygu diirsado’e.

 

Gabygaas intaas oo arimood awgeed ayaanu ku yeelan karin ina Cabdulle Xasan gabaygaas ay la jeclaadeen Aw Jaamac Cumar Ciise iyo nimankaas taariikhdiisa kaydin jiray. Waxa kale ay ku tusaysaa gabaygaas oo rag badani ku sheegeen ina Cabdulle Xasan baylaha ka muuqata baadhitaankooda , nimankaas oo sheega inay rag badan oo u ka mid ahaa wiilku dhalay Wadaadku iyo rag kale ba. Yaasiin Cismaan Keenadiid iyo ina Abshir Dhowre midhkaas ay sheegeen gabayga iyo war bixinta sirta ah ee Ingiriisku qorayba waxay markhaati u yihiin in gabaygani ka danbeeyay ina Cabdulle Xasan oo nin kale tiriyay .

 

1921 ayaa gabygaas ”Dardaaran” la tiriyay , cida lala dardaaramayaana waa Daarood , cidu gabaygu duulaan ku yahayna waa Ingiriis iyo Isaaq. Gabay Somalinimo shaqo ku lehna ma aha , gabaygaas Muuse Galaal , Aw Jaamac Cumar Ciise iyo Yaasiin Cismaan Keenadiid ba si ayay u mariyeen ninkay doonaanba haka soo wariyaane, gabaygu waa gabay nin Daarood ahi tiriyay , isagoo digashada beeshisia ay ku digteen yga jawaabaya , Isaaq na ku duraya , wuxu Ingiriisku la damacsanayyna sheegaya.

 

Sanad ka dib 1922 waxa ceelka Wardheer soo gaadhaya Cali Dhuux Aadan Goroyo , ceelkaas oo Habar Yoonis fadhidu labadii daarood , colkaas Habar Yoonis ee dhulka Ogaadeen qabsaday waa colkii Raid ka qeybta ahaa.Labada daarood waa laba qalacdood oo yar oo Daraawiishtii Bah-Geri dhisteen 1918kii ( waa halku Cali Dhuux gabayga kaga leeyahay Niman Baa Dalkoodii Xukuma iyo Labadii Daaroode) , oo qoriyaa intay ka soo jeediyaan halkaas waxay doonaan ku dili jireen dadka ka cabayay meesha sidu sheegay Jaamac Xirsi Dubad oo badhtamii 1970kii Diiriye Guuleed “Caraale” cajalad suugaan ah ka duubay gabayadii isaga iyo Cali Dhuux dhex maray marku ceelkaas Wardheer laysugu gabyay. Jaamac Xirsi Dubad sidu sheegay gabaygiisa u Cali Dhuux ugu jawaabay wuxu hoos fadhiyay maalintaas daarta hoosteeda , Cali Dhuux na waa joogay Wardheer.

 

Gabayda maanta la baxay Guba dad baa ku dooda waa isla gabayadii RAID ee Guba waxa lahaan jiray Ogaadeen , waana dhab arintaasi sidu sheegay Jaamac Xirsi Dubad , wuxu yidhi Guba waxanu u naqaanay gabayadii Ogaadeen dhexdooda ahaa , ee nin gabayada qaadi jiray oo la odhan jiray Xasan Aamusane oo Arab ahaa ayaa magacaas Guba u bixiyay gabayadan maanta Guba loo yaqaan , Kalagooye oo loo yaqaanay gabaygii Faarax Nuur na gabayga Yawle siiyay oo u bixiyay Kalagooye. Hadii magacayadaba layska daayo Raid iyo Guba ba , gabayada silsildada ah ee Cali Dhuux bilaabay iyo sededa gabay ee Daraawiish ugu danbaysay ee waxa u mawduuc ah colkaas RAID.


[1] Ferro e fuoco in Somalia. Caroselli, Francesco Saviero. Published by Roma, 1931 p. 287-288.

 

[2] Ferro e fuoco in Somalia. Caroselli, Francesco Saviero. Published by Roma, 1931 p. 287.

 

[3] Ina Cabdulle Xasan.

[4] Reer Nuur waa qoyska Maxamed Cabdulle Xasan Nuur.

 

[5] Wiilyahow wuxu gabayaagu u jeedaa Cali Dhuux Aadan Goroyo.

[6] Waxa dhalay Maxamed Shermaarke Saalax ee reer Zeila. Wuxu caaqilnimada Axmed Shire qabsaday sanadkii 1898 marku aabihii ka geeryooday caaqilnimadii beesha.

[7] Cabdi Guuleed Xaaji wuxu isna ahaa caaqilkii Baha-Sugulle ka dib marku aabihii Guuleed Xaaji ka dhintay jagada 1908ii.

[8] Waa ina Axmed Shire ku dhuntay geelii Daboolane 1908dii.

[9] Ina Cabdille Xasan e la sua attività letteraria. P. 174.

[10] Af Ingiriisi la Soomaaliyeeyay , Raid ama col duulaan ah. Rayid cidi u jeedo waa colkii Hagoogane ee Xaaji waraabe ka ahaa abaanduule.

[11] Cabdi Cumar , nin u talin jiray Amaadin ka oo Wadaadku necbaa oo dilkiis damacasanaa.

[12] Ogaadeenka abtirisiga ugu badan oo kala ah Maxamed Subeer-Baahale ,Cowlyahan-Baahale
Bahgari-Baahale, Cali Balool-Baahale,Cali Jadeed-Baahale ,Reer Wagad-Baahale.

[13] Waa lagu digtaa duul haduu ku darnaan jiraye

Bal dayooy wadaadkii waakaa sii dabayshadye

Darmaan qalay wuxu duunyo foofsado’e

 

[14]Ina Cabdille Xasan e la sua attività letteraria. P. 175.

 

[15] CO-534-42_3 . Intelligence Report .November 25,  1920. Page. 151-154.

[16] Ras Taffari Waa Magacii Heila Selassi ka hor boqortyooda intaanu dhaxlin.

[17] Foreign and Political Department, External, File No. 740, No. 1-7, 1923, Confidential, NAI, New Delhi.

Rashid Jaamac.

Kayse78@hotmail.com.

la soco qeybta ugu danabaysa ..Qeybta 9aad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker