Mudaharaado Lagaga Soo Hor-jeedo Heshiiska Jasiiradda Macedonia Oo Ka Socda Giriiga

Booliska dalka Giriigga ayaa sunta dadka ka ilmaysa u adeegsaday dibedbaxayeyaal ka careeysan heshiiska jasiiradda Macedonia u ogolaanaya in ay la baxdo magaca cusub oo ah Jamhuuriyadda waqooyiga Macedonia

Dhalinyaro xiran maaskarada celisa sunta ayaa dhagxaan ku tuuraya booliska magaalada Thessaloniki, halkaas oo maanta galinka dambe lagu wado in rai’sal wasaare Alexis Tsipras uu kaga hadlo qorshihiisa ku aadan dhaqaalaha.

Shacabka reer Macedonia ayaa dhaamdka bishaan u codeyn doono badalka magaca dalkoodi.

Kumanaan dibedbaxaal ah ayaa lagu soo waramayaa in ka qeyb qaateen dibadbaxyada lagu dhigayo waddooyinka magaalada Thessaloniki, kuwaasi oo intooda badan kor u lulaya calanka Giriigga.

Muuqaalada iyo sawirada ay soo bandhigtay warbaahinta Giriigga ayaa muujinaya in ay weli sii socdaan dibadbaxayada.

Bishii, June dalka Giriigga ayaa waxa uu saxiixay heshiis magaca looga badalayo jasiiardda Macedonia ay dariska yihiin ee dhanka waqooyi ka xigta.

Kadib 27 sano oo ay socdeen wada hadalo iyo mudaaharaadyo ku aadan khilaafkaasi ka taagan Macedonia.

Giriigga ayaa mar hore qaadacay magaca Macedonia,isagoo ka cabsi qaba in ay xilli dambe ay soo sheegtaan dul ka tirsan gobolka waqooyiga dhulkaasi oo ay ka mid tahay caasimadda labaad ee hessaloniki.

Waxaa sidoo kale laga hor istaagay Macedonia in ay ku biirto xulafada Nato iyo midowga Yurub.

Magacaan cusub ayaa loo baahan yahay in ay ansixiyaan dadka reer Macedonia iyo Giriigga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker