isku tallo dhamaata iyo kala tallo Bilaabanta fisha Hadii 3 dan danaysi Cida ay khuseyso wax ka badali waydo !! Dr.Khadar-Libaaxley.

1. Odhaahda Ciroole iyo ciyaalba ku hadaaqayaan ee odhaneysa ( Sida laga soo Xigtay Dawlada ingiriiska laanteeda nabadgalyada : Somaliland waxa xaalad Aamaan iyo Nabadgalyo ah ku sugan Hargaisa iyo Berbera !!!) hadaba markay 2dan dalka oo dhan ay nabad yihiin mee dalka intiisii kale ?? Dalka nabadiisa dawlada iyo dadweynuhu miyaanay illaashan iyagu oo masuul ka aheyn ? mise cid kale ayeynu u daba fadhiisanaa ???. kaliya waa Dagaal ka dhan ah oo nafsiya kaas oo ku jihaysan bulshada ; ujeedada ay sidani u dhacayso hoos ayaan ku xusi doonaa.
2. Sida habeen hore war-baahinta maxaliga ah ku xusnayd : Dawlada itoobiya ayaa gudoonsiisay 2 koob gudoomiyayaasha Berbera iyo Hargaisa !!! marka laga eego dhanka sharciga iyo siyaasada daris-wadaaga 2da dawladood Somaliland iyo Ethiopia : mudane akhrista : Ma sax iyo maan-gal ayey kuula muuqataa inta ( Dhamaan Magaalooyinkii waaweynaa ee Somaliland iyo kuwii itoobiya la tartansiiyo dhanka wax-qabadka iyo horumarka deedna koobka ay soo qaadaan Somaliland iyo ethiopia ba kaliya Hargaisa iyo Berbera??? Qof ahaan waxa ay iilla eegtahay qorshe la abaabuley oo lacag lagu bixiyey ii dheh da iyo xayeysiiska xaafadeysana bulshada Somaliland laga iibinaayo iyada oo marka dhan laga eego u xisaab galeysa dagaal ka dhan ah oo nafsiya oo ku jihaysan bulshada.
3. Sidii Xildhibaan C/raxmaan Xoog habeen hore ka sheegayey shirkii caadiga ahaa kal-fadhiga golaha wakiilada , isla markaana bulshada qaar aad ka hellayso xogtii uu sheegayey isla markaana aaney jirin cid beenisay warkiisaa; ahaa abaabulkii shirweynihii dirka ee addis-ababa ka dhacay , lacagtii 150000 kun ee ganacsatada gaar ah bixisay ee loo wakiishay qabsoomida iyo abaabulka shirkaasi Boqorkii iscaleema-saarey shirka kadib ee ahaa Beesha Gure ee Wasiir ka maaliyada itoobiya mudane axmed shide, Beeshiisa yoolka iyo biyo dhacuna ahaa helida kalsoonida beeshaasi maadaama ay siyaasiyiinta beeshaasi xidhiidh dhaw ay la leeyihiin madaxda sare ee xukunta itoobiya .

Ujeedada waxaasi oo dhami u dhacayeen iyo Gunaanad:

Dhamaan waxaasi oo dhami waxa ay u dhacayaan hab-dhaqanka iyo dadaalka noociisu yahay ii dheh iib-gal ah oo lagu qanciyo Dawlada Ethiopia ( isticmaal iyo maal-gashi ay ku sameyso Dekada Berbera ) iyada oo cida hawshaa xad-dhaaf ugu tafa xaydan ay tahay Qoys kaliya sida aad ka dareemi karto dhacdooyinka saddexan 3 ee kor ku xusan iyo warbaahinta maxaliga ah iyada oo ay Dalka jirto xeebo aad ugu dhaw itoobiya oo munaasib ku ah waliba waxa ay itoobiya doonayso ah, waayo ganacsigu waxa uu ku faa’idaa dhawaansho iyo nabadgalyo meherada ugu dhaw ee aad ka heli karto waxa aad dooneyso ; nasiib darada jirtaase waxa ay tahay wax u muuqaal eeg ( Aniga mooyee haday cidiba Noolaato ) ; qof ahaan waxa walaac iyo walwal weyni iga hayaa garasho iyo garwaaqsi la’aanta ka soo fooxaysa Cida Caasimada iyo Berbera ba gacanta ku haysa oo ay aheyd in ay iyagu ku koobnaadaan kaalin hogaamineed oo lagu tixgaliyo madaama ay deegaan u yihiin xarumo muhiimadooda leh , isla markaana dalka iyo fursadihiisa dhaqaale iyo awood ba ay dheeli tiraan ummada u qaybiyaan fursadaha iyo awoodaba si ummada Somaliland u dareento in dalka la wada leeyahay ; balse waxa xaqiiqo ahaan muuqata in cid gaara iyo ceelkooda la dhisaayo ( Awood iyo Dhaqaale ba ) si bulshada dalka inteeda kale oo dhan ay u noqdaan shaqaale ceelkooda ka caba oo ay ku maamulaan iyagu ; si lamid ah ( Boqortooyada Sucuudiga ee qoys qudha awooda + dhaqaalaha dalkaasi iska leeyahay ; muwaadiniinta dalkaasina xisaabsanyihiin shaqaale ay iyagu iska leeyihiin sida ay doonaana ka yeelaan!!! ) taasi umma qalanto ummada Somaliland ; Cidii ku galeysa se ma’aan sheegin.
Fiiro gaara :
Mudane akhrista qormadani ma’aha hanjabaad ka dhan ah cid gaar ah balse waa dareen gacaltooyo iyo lexejeclo oo aan ka qabo cida ay khusayso si lamid ah dhamaan reer Somaliland; wax isku sheega iyo is-xasuusinta waaqica waayaha socda qof ahaan ceeb iyo balaayo alloos uma arko ; muhiimadaydu waa wanaag aan la rabo cid kasta oo Somaliland kunool walaaca waayaha aan arkayo ifinteedu.

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts

3/19/2019

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker