JACAYLKA FARDAHA IYO SOOMALIDII HORE

Farduhu wuxu ka mid ahaa meersiyada ugu qaalisan ee ay soomaalidu dhaqato.
Farduhu waxay u ahaayeen ninka leh qurux, wuxu sidoo kale lagu soo dhici jiray geela, waxa loo adeegsanjiray war isgaadhsiinta, sahanka, duulaanka iyo dagaalka cadowga, safarka, sidaas awgeed ayaa uu soomalida uu ka jooqay meeqaan aad u sareeya.
Farduhu waxay ku amaaneen abwaanadii hore ee somaaliyeed gabay, iyo geeraar oo ka mid ah heerarka ugu sareeya ee maansada soomaliyeed.
Gabay iyo geeraarba kii loo maraba amaanta fardaha waxaan ka heli karnaa tusaaleyaal aad ubadan oo ka warama waxtarka ay leeyihiin farduhu.
TUSAALAHA 1AAD: SAYID MAXAMED CABDALLE XASAN:
Waxaan tusaalaha 1aad waxaan kasoo qaadanayaa gabyaagii weynaa ee maansahanyahanka ahaa, halgamaagii gumiysiga necbaa, horjoogii dhaqdhaqaaqii xaq u dirirka ahaa ee daraawiisheed sayid mohamed cabdalle xasan alle ha u naxariistee.
Sayid maxamed ayaa doonay faadumo islaan aadaan oo la dhalatay ISLAAN FAARAX ISLAAN AADAN oo ahaa madaxdii iyo gudoonkii iyo boqorkii degmeda mudug.
Sayid maxamed wuxu gabadhaa yarad uga bixiyey xoolo badan oo geel iyo fardaba leh xurmo iyo xididtinimo wanaagsana waa loo muujiyey, haseyeeshee xididnimadii sayidka iyo islaan faarax ayaa lagu sheekaystay oo meel walba gaadhay.
Xididtinimadaas sayid maxamed waxa uu uga jeeday inu garab iyo gaashaanba uu islaan faarax iyo dadkiisaba uga helo la dagaalanka gumaystaha iyo gaalada, si uu jihaadku usii xoogeysto.

Intaas kadib ayaa loo sheegay islaan faarax inu sayidku aad u jecelyahay faraska xiinfiniin oo waxwalbana ka jecelyahay waxaanay dadka qaarkii ku yidhaahdaan islaan faarax weydiiso faraska sayidka bal haday xididnimadu ka dhabatahay iyo inkale.
Sayidku waxa loo soo diray warqad iyo ninkii waday oo xaashi la odhan jiray laguna yidhi waxa lagaa doonayaa faraska xiinfiniin.
Sayidku aad buu uga xanuunsaday arinkaa laakiin wuxu sameeyey maantaa oo kale wixii uu samayn lahaa nin gob ahi, waa uu dhiibay faraskii laakiin waxa uu mariyey gabay aad u dheer oo ku faaahfaahinayo jacaylka kal iyo laabta ah ee uu u hayo faraska iyo sida uu waxwalba farasku ugala qaalisan yahay diinta islaamka marka laga reebo.
Sayidku wuxu tuduca hore ugu sheegaya, uguna fariin dhiibayaa gabayga islaan faarax isagoo leh anigu nin xaajiya, oo xishoodleh baan ahay hadaan lay xaasidayn, dalabka aad ii latimid waxaan ku siin lahaan xadiga aduunyada oo dhan sida geel farabadan oo kumayaal ah, laakiin markaas damacday faraska xiin finiin Ayaan kaa xanuunsaday waxaanu yidhi sayidku:
Xayoow faaraxoow hadal rag waa loo xutubiyaaye
Nin xishood leh baan ahay hadaan lays xistiyahayne
Xabiib baan ahaa jeer aan kufriga laygu xaasidine
Adna xaashi baad iila timid xaakim soo diraye
Xadigii aduunyada hadaad xoolo iga dooni
Marna anigu kaama xistiyahan xaalad aan leeyahaye
Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa geel xawaar badane
Kumanyaal xawaadaan lahaa xawd usii mariye
Markaad xiinfiniin damacday ayaan kaa xanuunsadaye.
Meerisyadan soo socda wuxu sayidku ku sheegayaa inu islaan faarax ku qadarinayo xididtinimada, oo aanu oodaba ka rogeen rag kale, sida xigtadii, qaraabadii, xataa hadii loo baryo si kasta waxaanu yidhi:
Walaalow xirgiga qaarkii waa lagu xujoobaaye
Waxaan kugu xutubiyaaba waa xuuradaan nahaye
Nin kalaan xafiidaba adaan xayda kaa rogaye
Xigto iyo qaraabiyo haduu xidid iweydiisto
Xayow iyo qayuum hadii laygu xoodaansho
Xubigayga kuma hayn inaan xiisow bixiyaaye.
Meerisyadan wuxu sayidku ku sheegayaa noocii uu ahaa faraska xiin finiin, waa xamar midabkiisu, waa mid lagu manaystay orod, socod raaxo weheliso, xagkasta oo laga eegana wuxu ahaa fardaha ka ugu ilroon, hadaan dib u xasuusto xiise ayaa ii qabanaya, oo farasku waxkasta wuu iga qaalisanaa marka laga reebo diinta islaamka ayuu hadalba ku gooyey waxaanu yidhi:
Xamar weeye oo midab fardood kala xariir roone
Xawaariyo kabtiyo raaxiyo xawli iyo jeefag
Xagii loo eryaba waa gamaan xulashadiisiiye
Xubno toosanoow neefku waa xaalad gooniya’e
Goortaan xusuus ula noqdaa xiiso ii qabane
Waxaan xarafka diimeed ahayn igaga xeel dheer
Jihaadka ayuu u ahaa mid loo fuulo, wuxu ahaa kii soo dhicin lahaa dhulkii gumaystuhu haystay, wuxu ahaa kii gaalada lagu eryan lahaa, nin goba xamasho waa ceebe, iga soo meer faraskii xamarka ahaaye, xadhigiisa qabo qofkale kuma xurmeeyeene wuxu yidhi sayidku:
Xarbadiyo jihaadkaan lahaa xoogsi ugu fuule
Isagaan xatooyada lahaa xuurta ugu loge
Xiniinyahay ku goo baan lahaa gaalka xaylka leh
Xayskaa da’aayaan lahaa xalin ka doodeeye
Xaqaygii maqnaa baan lahaa xag ugu raacdeeye
Meeshiyo xeebtaan lahaa xiito ku eryoode
Xidaysane madhiibeen anaan xaaladay bogane
Xaaraami uun baa arlada xula abiidkiise
Aniguna xogtaydaan ka baqi inay ixumeeyaane
Xaashaa lilaahi nin goba xamasho waw ceebe
Goorteer anoo xaajiyaan xinif awoodayne
Intii aniga lay xaman lahaa xil iga soo meerye
Aduu galabta kuu xoolo yahay xamarkii dheeraaye

Waa xiinfiniin neefkan aad xadhiga haysaaye
Xayawaanka oo idil naftay kala xeraadaane
Mar haduu suldaan igu xil lihi igaga xaydaanatay
Xarigiisa qabo aadmi kale kuma xurmeeyeene.
Sayid maxamed waa uu dhiibay faraskii intaas kadib, isagoo aad uga murugoonaya waxtarkii uu faraskaasi u lahaa daraawiish.
Markale sayid maxamed cabdale xasan iyo daraawiishba waxay dhab u jeclaayeen fardaha kuwaas oo u ahaa gaadiidkooda dhabta dhinackasta oo nolosha ku saabsan.
Sayid maxamed oo ku faanaya fardaha uu haysto aadna u bajinaya kuwa cadawga ah ayaa markale gabay ku amaanay fardaha waxaanu yidhi:
Senge buuran oo badaliyoo gaadda balaxoobey
Oo aan biyo iyo raaxiyo banaha caws waayin
Oo subag baqbeena lasiin bilaha jiilaalka
Meeshiyo baraarnimo haduu baadka miranaayo
Barwaaqadiyo geedaha haduu badhi ku laaqaayo
Baldhoolaha cagaarka leh haduu buro ku daaqaayo
Bus ku erida raacdada haduu buufis geli waayo
Sidii bagai doora leh haduu bigigiflu rooro
Inaan bahalka laga soo xerayn ba’e yow sheega.
TUSAALAHA 2AAD: AXMED MUUSE:
Waxaan sidoo kale soo qaadanaynaa tusaale Labaad oo isna kawarama kalkacalkii loo hayey fardaha ee soomaalidii hore.
Waxa la yidhi beri baa nin gebyaa ah oo kasoo jeeda deegaanka caabudwaag agagaarkiisa ayaa wuxu doonay inu guursado, markii uu reerkii uu ka guursan lahaa u tagay ee uu sidu hiduhu ahaa yeelay ayaa uu gabadhii weydiistay reerka, waxaanu bixiyey geelii yaradka ahaa, intaas markay dhacday ayaa lagu yidhi waa hagaage gabadha waxaan kuu dhisaynaa oo kaliya markaad faraskaaga ASHKIR HERERI yaradka aad kusoo darto.
Ninkan abwaanka ah waxa la odhan jiray AXMED MUUSE.
Ninkii talo ayaa ku cadaatay waxaanu garan waayey wuxu yeeli lahaa, ogsoonoow ninkani farasku wuxu kaga yaalay meel aad u saraysa waxaanu uga qaalisanaa waxkasta, wuxu arintii rogrogaba wuxu goaan ku gaadhay goor saqdhexe ah, in aanu faraskiisa dhiibin, gabadhii iyo xoolihii uu bixiyeyna uu ka samro.
Waxa markiiba u yimid tolwadaagtiisii ama intii ay isxigeen waxaanay ku yidhaahdeen, waar ninyahow wuxu waa farase iska bixi oo gabadha soo kaxayso, waa uu qaadan waayey taladii xigtadiisa waxaanu goaan ku gaadhay inu ka samro shay kasta oo kabaxay sidoo kale wuxu intaa raaciyey inu diinta ka baxayo hadii layidhaa faraska bixi waxaanu yidhi axmed muuse isagoo arintaas geeraar ku muujinaya:
Gabadh heenso wanaagsanoo
Qurux laysku habeeyey
Hibo eebe usiiyey
Aqal weyn hadhsanaysa
Hodan aabe tidhaahda
Hadii haatan la keeno
Huri mayo duqaygu.

Geela hawdiyo doolo
Laam hareeri kafoofa
Hadeeray cali muusiyo
Rag kaleetoon hubaa
Hadalkiisa hayaane
Hurimaayo duqaygu.

Hadii aan ashkir heeri
Hoo aan cid idhaahdo
Muslim haybti masheegto
Nabigiina haleeyey
Wiilashii haysadkiisiyo
Hinjigiisa yaqaanaa
Arinkiisa habawshoo
Hurimaayo duqaygu.
Halkaas waxaynu ka garanaynaa halka ay soomaalidii hore ka joogeen farduhu iyo siday waxkasta uga qaali sanaayeen.
Sida ku cad diiwaankii hore somalida, soomalidu waxay fardaha u qaybiyaan todoba midab oo kale ah (caynab, bulaale, qaaje, baroor, Ashkir, xamar, boos).

Waxa qorey: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(darwiish)
Cigaal1212@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker